Khadar.M.Dhako.
Hargeysa( Dawan) Wasiirul-dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuu,ayaa sheegay in anaanay noqoayn Xukuumad iyo ka Xisbi ahaan sidii Kulmiye oo kale isla markaana aanay qof dalka iyo dadka u shaqaynaya in aanay xilka kaga qaadayn waa KULMIYE.
Wasiirul-dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase ayaa soo kormeeray dugsiga Farsamada gacanta ee Magaalada Balligubadle.
Wasiirul -dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase waxa ay kulan la qaateen maamulka iyo Macalimiinta dugsiga Farsamada gacanta ee Magaalada Balligubadle.
Wasiirul-dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan kor u qaadista farsamada iskuulka iyo tababarka Macalimiinta.Waxaana uu yidhi”Waxa aan idinka mahadcelinayaa warbixinta aad na siiseen intaad dalbateen wax waanu ka qaban doonaa iskuulka.hadday tahay in aanu kor u qaadno farsamada iyo Macalimiinta oo aanu tababarno.sida ugu dhakhsaha badan ayaan uga jawaabi doonaa,”.
Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga jawaabo baahiyaha ka jira.Waxaana uu yidhi”Baahida in laga jawaabaa waa muhiim anagu Kulmiye oo kale ma noqonayno, qof deegaanka u shaqaynaya.in aanu ku faraxno mooyee Kulmiye ayuu ahaa xilka kaga qaadi mayno .”