Shimbirka Tukuhu marka uu xanuunsado waxa uu dhakhtar ahaan u tagaa godadka QUdhaanka, isagoo weerar ku qaadaya. Isla marka uu tago ayuu balaashiisa kala fidiya isagoo si ballaadhan u fadhiista. Waxaana uu Qudhaanjada u ogolaada inay jidhkiisa weerarto.
Qudhaanjada ayaa duulaan culus ku qaada waxaana ay ku buufisaa Formic Acid, oo ay u adeegsato difaaca deegaankeeda. Asiidhkan waa mid laaya oo dabarjar cayayaanka, fungas iyo jeermiska kala duwan, iyadoo keenta in tukaha uu ka takhalusa cudurada ay ku keeneen bakteeriya, cayayaanka ama Fayrasku, ka dib markaa ay Qudhaanjadu ku buufiso.
Formic acid (Latin forica โantโ), magac ahaan waa methanoic acid, Waxaana muhiim u ah isku dhafka kiimikada ee ay ka kooban tahay waxayna u dhacdaa si dabiici ah, gaar ahaan quraanjada oo adeegsata, taasi oo ay iyadu iskeeda isaga leedahay , habka difaaceedana u adeegsata.
Dhinac caafimadka waxa Formic acid waxa loo isticmaalaa sida Jeermis dile, iyo sunta cayayaanka. Intaa waxaa dheer, waxay keenta bogsashada dhaawaca, daaweynta xaaladaha maqaarka, iyo daaweynta Xanuuno kale. Waxa dhici kartaa in aanad rumaysan Karin laakiin ogow in ay tahay arrin dhab oo baadhisa lagu ogaaday in Shimbirka Tukuhu uu qaabkan u adeegsado iska dawynta jeermiska ku abuurmaya jidhkiisa. Waa Xikmad Allah fahansiiyay.
( Majalada Al-Xawaar).