Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Tayada Dawada iyo Cuntada
Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa si adag uga hadlay dawooyinka tayada aan lahayn ee dalka la keeno iyo kuwa dhacay ee taariikhada laga bedelo.\
Waxaanu intaa ku daray in cid kasta oo lagu qabto falkaas in la marin dpono ciqaab adag oo uu mutaystay.
Waxaa kale oo Madaxweynu iftiimiyay in muddo badan aad loo hadal hayay Tayada dawooyinka iyo cuntada oo saamayn wayn u yeeshay badqabta iyo caafimaadka bulshada.
.
Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ka hadlay dawooyinka dalka yimaada qaarkood oo uu ku soo maray xarunta shaybaadhka hay’adda dhawrista Tayada Somaliland oo aan lahayn heerkii dawo ee looga baahnaa isla markaana khatar gelinaysa qofka cunaya ee caafimaad ka deyaya. “waxaan soo maray shaybaadhka hay’adda dhawrista Tayada Somaliland waxaana la I tusay dawoyin halkaa yaala oo aan gaadhsiisnayn tayadii loga baahna ama aan lahayn awoodii miligiraam ee laga doonayay markaa taasina khatar ayya ku tahay dadkii cunayay.”
Madaxweynaha Somaliland ayaa dambi qaran ku tilmaamay dawoyinka dhacay ee inta dalka lasoo geliyo taariikhda laga belelo cid kasta oo lagu qabtona ay mari doonto ciqaab adag.
“Maalin dhawaynd waxay boolisku ii sheegeen in lasoo qabtay dawooyin dhacay oo taariikhda lagaga bedleyo bakhaar,waa dambi wayn cid kasta oo lagu qabtaana ciqaab adag ayay maraysaa,dadka sidaa u ganacsanayana waxaan u sgeeyaa marka hore in taasi ay tahay xaaraan oo RABBI kula xisaabtamayo ee ay iska daayaan,marka lagu qabtona ha ogaadaan in ciqaab adag la marin doono.”madaxwaynaha ayaa intaa ku daray u=in cuntaduna ay la mid tahay oo mid dhacday iyo mid aan tayo lahayn cunto ahaanba in dalka la keeno waxaanu ballan qaaday ka xukuumad ahaan in ay bulshada ka hubinayaan cuntada iyo dawadaba.
Waxaanu yidhi isagoo dhakhaatiirta iyo bahda caafiaadka la hadlaya. “qofku haddii raashin ama cunto aan fiicnayn uu cuno ama dawada aad u qorteen ay tahay mid aan ku habboonayn waxba u tari mayso markaa ma helayo qofku caafimaadkii u u baahnaa,sidaa darteed dawada iyo cuntada labadaba waan ka hubinaynaa tayadooda muwaadiniinta.”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay Tayada dawada iyo cuntada dalka la keeno.