Hargeysa(Dawan) Hordhac:
:Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991-kii, waxa ay si hagar la’aan ah ugu dedaashay inay hesho aqoonsi caalami ah oo rasmi ah. Somaliland waxa ay ku guulaysatay inay dhisto nidaam dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin xor ah, sugida amniga, horumarna ka samayso dhaqaalaha, taasoo ay uga duwan tahay dalal badan oo gobolka ku yaalla. Dedaalladan ayaa soo jiitay indhaha caalamka iyo taageerada saaxiibadeeda caalamka iyo dadka u ol’oleeya qadiyaddeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda aqoonsiga Somaliland, iyadoo adeegsanaysa awooddeeda diblumaasiyadeed iyo taageerada saaxiibadeeda caalamka. Markasta oo dadaallada Somaliland ay meel wanaagsan gaadhaan, Soomaaliya waxa ay qaaday dagaal diblumaasiyadeed oo xoog leh, iyadoo isku dayaysa inay carqaladeyso guulaha Somaliland.
Soomaaliya waxay ku dedaalaysaa inay ku muujiso Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dal weynaha Soomaaliya.
Caqabadahaas awgeed, Somaliland waxay u baahan tahay istaraatijiyad cad, midaysan, oo ku salaysan aragti fog si ay uga jawaabto dagaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya una gaadho aqoonsi buuxa.
Qoraalkan waxa uu diiradda saarayaa talooyin iyo xeelado dhinacyo badan taabanaya oo Somaliland u fududayn karta aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.
⸻
Maxaa Somaliland La Gudboon si ay u Meel Mariso Mawqafkeeda?
⸻
- Xoojinta xidhiidhka Diblumaasiyadeed:
- La shaqeynta dalalka taageersan:
Somaliland waa inay sii xoojiso xidhiidhka dalalka iyo hay’adaha taageera qadiyadeeda. In ay noqoto saaxiib muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, gaar ahaan kuwa gobolka Geeska Afrika iyo kuwa dhaqaalaha xoogga ku leh sida Mareykanka, UK, iyo Midowga Yurub.
- Kobcinta is-dhexgalka caalamiga ah:
Ka qaybgalka shirarka caalamiga ah sida kuwa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo IGAD si loo muujiyo in Somaliland tahay dal diyaar u ah wada-shaqeyn caalami ah.
- Xoojinta iyo Abuurista xafiisyo wakiillo:
In la ballaadhiyo xafiisyada diblumaasiyadeed ee ku yaalla dalalka muhiimka ah, si loo xoojiyo la macaamilka iyo xog-wareysiga joogtada ah.
⸻
- Ka Hortagga Dagaalka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya:
- La socoshada siyaasadaha Soomaaliya: Somaliland waa inay si dhow ula socotaa istaraatijiyadda Soomaaliya iyo isku dayada ay ku doonayso in ay ku hor istaagto aqoonsigeeda.
- Ka faa’iidaysiga iska horimaadyada siyaasadeed:
Marka Soomaaliya ay ku jirto xaalado siyaasadeed oo adag, Somaliland waa inay fursad ka raadsataa si ay u xoojiso qadiyadeeda.
- Ka hortagga dacaayadaha:
Somaliland waa inay abuurtaa waax u gaar ah oo la dagaallanta dacaayadaha iyo wararka ka dhanka ah ee ka soo baxa Soomaaliya iyo taageerayaasheeda.
- Isticmaalka Warbaahinta Caalamiga ah:
- Kobcinta wacyiga caalamiga ah:
In la sameeyo filimaan dhukmanyary ah, maqaalo cilmiyeed, iyo barnaamijyo telefishan oo ku saabsan taariikhda, horumarka, iyo himilooyinka Somaliland.
- Horumarinta isgaarsiinta casriga ah:
In la xoojiyo isticmaalka warbaahinta bulshada si loo gaarsiiyo fariinta Somaliland dalal badan iyo dad kala duwan.
- La shaqeynta suxufiyiinta caalamiga ah:
In la soo jiito suxufiyiin caalami ah si ay ugu soo warramaan Somaliland, una so gudbiyaan xaqiiqooyinka dhabta ah.
⸻
- Horumarinta Gudaha iyo Sumcadda:
- Dhisidda dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaagga:
In la joogteeyo doorashooyin xorta iyo xalaasha ah kuna salaysan cadaalad si ay dunidu ugu aragto Somaliland dal dimuqraadiyad leh.
- Horumarinta dhaqaalaha iyo amniga:
In la dhiirrigeliyo maalgelinta dibadda, si gaar ah maalgeliyayaasha ka imanaya dalalka caalamka ee muhiimka ah.
- Xoojinta hay’adaha sharciga:
In la muujiyo in Somaliland leedahay nidaam sharci iyo maamul daahfuran oo la isku halayn karo.
⸻
- Ka Faa’iidaysiga Sharciga Caalamiga ah:
- Dacwado sharci:
In la furo dacwado la xidhiidha madax-bannaanida iyo aayo-ka-talinta shacabka Somaliland, iyadoo lala kaashanayo sharci-yaqaanno caalami ah.
- Isticmaalka qawaaniinta caalamiga ah:
In Somaliland ay ku dooddo xuquuqda is-maamulidda shucuubta sida ku cad heshiisyada caalamiga ah.
⸻
- Abuurista Iskaashi Ganacsi oo Caalami ah:
- Dekedaha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah: Somaliland waa inay dekedaha muhiimka ah sida Berbera iyo kheyraadka dabiiciga ah u adeegsataa sidii aalado diblumaasiyadeed oo ay kula macaamisho dalal kala duwan.
- Dhiirrigelinta Maalgashiga Shisheeye: Waa in la dejiyo sharciyo u fududaynaya shirkadaha caalamiga ah inay maal-gashadaan Somaliland, iyada oo la siinayo dammaanad sharci iyo cashuur-dhimisyo soo jiidasho leh.
Tani waxay xoojinaysaa xidhiidhka ganacsi iyo diblumaasiyadeed, korna u qaadaysa fursadaha aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.
Gunaanad:
Si ay Somaliland u hesho aqoonsiga ay ku hamineyso, waa inay qaaddo tallaabooyin ku salaysan istaraatijiyad dhowr geesood ah oo la jaanqaadi karta xaaladda siyaasadeed ee caalamka. Haddii si xeeladaysan loo adeegsado fursadaha jira, waxaa suuragal ah in la gaaro aqoonsi caalami ah oo dhamaystiran.