Ceerigaabo:Amar Adag oo laga soo Saaray Sidashada Hubka

0
104

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Ceergaabo (Dawan):- Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Somliland Cabdirashiid Maxamed Axmed Magaalo oo ay weheliyaan gudiga nabad galyada gobolka sanaag oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ceergaabo ayaa shaaciyey in ay soo dhamaatay qaramayntii ciidanka madaniga ee gobolka sanaag waxana sidoo kale ay soo saareen awaamiir lagu xakamaynayo amniga gobolka sanaag taasi oo gabi ahaanba lagu mamnuucayo qaadashada hubka sharci daroda ah waxanay xuseen in cidkasta oo aan ka ahayn ciidamada ee lagu arko iyadoo hub sidata isla markaana la dhexmaraya magaalada ceergaabo iyo guud ahaan gobolka sanaag dawladu ay ka qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan.

“Waxan ogaysiinaynaa dadwaynaha degmada ceergaabo in ay soo dhamaatay qaramayntii Ciidanka madaniga ah, waxa mamnuuca laga bilaabo saacadaa aan qabanayno war saxaafadeedka in lagu sito wax huba nooc uu doono ha ahaadee, magaalada Ceegaabo gudaheega, waxan faraynaa maamulka gobolka iyo cidamada Booliska in ay ka qaadaan cidii lagu arko wax hub ah iyagoo ku dhexsita magaalada Ceergaabo in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan”Wasiiru Dawlaha wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Somliland.

Wasiiru dawlaha ayaa sidoo kale xusay in ay mamnuuc tahay in ciidamada milatarigu la soo gala hub magaalada Ceergaabo isla markaana ciidamada mitalariga faray in ay hubka kaga yimaadaan fadhiisimadooda marka ay soo galayaan magaalada gudaheeda waxa kale uu intaasi ku daray in aan magaalda Ceergaabo gudaheega kaliya laga ogol yahay sida shada qoriga in ay magaalada ku dhexmari karaan ciidanka Booliska.

Geesta kale Cabdirashiid Magaalo Wasiiru Dawlaha Arimaha gudaha ayaa hoosta ka xariqay in cidkasta oo lagu qabto hub la dhex marista magaalada in ay si toos ah dawladun ula wareegi doonta hubka.

Gabagabdii Gudoomiyaha Gobolka Sanaa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wada tashi iyo shirar kala duwan oo ay gudida nabadgalyadu sheen kadib isla qaateen dhamaan amaradaa uu wasiiru dawluhu sheegay isla markaana ka maamul gobol ahaan ay fulindoonaan sidoo kalena ay ku daba galidoon Booliska, iyado dhinaca kale taliska Booliska ceergaabo ay soo dhaweeyeen amradaa ka soo baxay gudiga nabad galyada isla markaana ay fulindoonaan dhamaan amaradaasi