Intaadan falin ka Fiirso, ayaa ah Xikmad Fog oo Fariinteedu feejignaan Salka ku Hayso

0
94

Hargeysa(Dawan):Danteena Qarannimo waa maxay? Maxaase inaLla gudboon?  Dunidu waxay ku jirtaa kala guur Ilbaxnimo, Ganacsi iyo Siyaasad, Dunidu waxay taagan tahay isgoys, oo ay muhiim tahay inay waddo uun qaadato, wadadaasuna ay sii dhexmareyso Somaliland.

Cid jacel iyo cid neceb toona aanay jirin laakiin ay dantu jaangoyso masiirka danaha laga leeyahay Qarankeena.

Si kastaba ha ahaatee maxaa Somaliland  ahaan inooga qorsheysan isbedeladaa iyo mawjadahaa is rog-rogaya? Sidee baynu isu daad raacin kareynaa? Innagoo ka duuleyna danaha Dadkeena iyo Dalkeena?

Waxaa hubaal ah oo aan hadal ka taagneyn in Somaliland mustaqbalkeedu ku jiro isbedeladaa dunida ka socda ee is dhex jibaaxaya, Somaliland waxay dhawaan noqon doonto meel quwadaha dunidu ay ku beretamaan dhinac dhaqan-dhaqaale iyo mid ilbaxnimaba, waxay ila tahay inay muhiim tahay in qodobadan ay  Somaliland yagleesho si aynu hadafkeena Qaranimo uga gungaadhno, taasina waxay masuuliyadeeda saaran tahay cidda mindida daabkeeda haysa.

1- In dawladdu la kulanto mudanteeda Cuqaasha, Ganacsatada, Xildhibaanada, Aqoon yahanada iyo Hormuudkeeda rayidka iyadoo ururineysa fikirkooda, kalana tashaneysa masiirka Qaranka si looga hortago warxuma tashiilka iyo marinhabaabinta, si  aan loo odhan “Hoggaankaa  masiirkii Qaranka gacantogleeyay, kana faa’iideysata xogaha kaladuwan ee ay ka heli karto dadkaa rayidka Somaliland.

2- In dawladdu ay hesho Garyaqaano caalami ah oo ay kala tashato si loogu caddeeyo waxyaalaha hoosta laga xariiqo ee farta yaryar ee aan isha indhaw garadku sawiri kareyn, iyadoo loo bayaaminayo si waadix ah, iyo macneynta ereyo bixinta sharciyeed ee ku qoran luqadaha qalaad.

3- In Dawladdu diyaarsato waxa ay ka dooneyso daneeyeyaasha Somaliland ee ah mashaariic horumarineed oo si farsameysan u qodobbeysan iyo baahiyaha siday u kala muhiimsan yihiin oo ay kow ka tahay danta Qaranka, kana feejignaato inay weydiisato caawimaad taasoo hoos u dhigeysa Hankeeda Qaranimo, bedeleysana arragtida ay kaa qabaan daneeyeyaasha Qaranka.

4- In Dawladda ay ka shaqeyso protokolka iyo kala-dambeynta la kulanka ummadaha kala-duwan ee danaha ka leh, in lala kulan siiyo dad fahmi karaya shaxda lagu guurayo oo ay ugu muhiimsan tahay inay siri ka bixin, inuu sir helo mooyaane, inuu sharxi karayo danihiisa isaagoon cid kale ka hadal, in aanu farta ku fiiqin cadawgiisa  iyo saaxiibkii toona, laakiin ka midha-dhaliyo kulamada wax ku oolka ah ee wax lagu kala goosto, iyagoo dadkaa loo xilsaaray ay maanka ku hayaan in qancintu u baahan tahay 3 MN, wixii dhaafsan ay tahay sheeko aan muhiim ahayn.

Ku baraarug sanaanta iyo hanaqaadnimada xilka Qaranku waxa uu u  baahan yahay faro-dhuubni farshaxanimo.

Kulan walba oo lala kulmo daneeyeyaasha caalamiga  ah waxay kugu qiimeyaan saddex shay. Hugaaga, Hadalkaaga iyo Hab Dhaqankaaga.

Hugu waa sidaad u labisanyahay oo ka turjumeysa hadafka iyo hankaaga oo ay ka dhigan tahay xushmada ama qadarinta aad naftaada iyo Qarankaaaga aad u qabto.

Hadalkaaga oo ka damaanad ka ah cabqaranimada, fahamka shaxda iyo halka hadalka looga soo hadho, ileyn hadalka lama saarnaado’e.

Waa ta la yidhaa” Ninna afkiisa lagama garsiiyo”

Hab Dhaqankaaga oo salka ku haya habsami u socodka anshaxa, sida loo fadhiisto iyo  socodkaaga oo badanaaba ka turjuma hanaqaadnimada siyaasadeed iyo halka uu kaga beegan yahay xidhiidka caalami ee aad horey u sameysay.

Marka laysu geeyo arrimahaas oo dhan ayaa Qaranka u ambaqaadi karaya dhanka ka midho-dhalinta danta Qaranka oo ah ujeedada ugu weyn ee aynu xarbiga dheer ama safarka dheer u soo galnay, garashadeeduna waa guul gobonimo ka dambeyso.

Qore La taliyaha wasiirka Caddaaladda  Yaasiin Daahir Cumar.