Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):- Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Horumarinta Ganacsiyada Yaryar iyo Dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga ee dhowaan lagu qaban doono Caasimadda Hargeysa, ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxda iyo gudida 20 Iskaashato oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka.
Iskaashatooyinkan ayaa door muhiim ah ku leh wax-soo-saarka, horumarinta, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray doorka ay iskaashatooyinku ka qaadan karaan shirweynaha, iyada oo xoogga la saaray sidii ay tallooyinkooda iyo waayo-aragnimadooda ugu biirin lahaayeen shirwaynaha Qaran.
Intii uu kulanku socday, waxa sidoo kale la isla falanqeeyay isku xidhka iskaashatooyinka kala duwan ee Dalka iyo hay’adaha dawladda si kor loogu qaado Horumarka, xirfadaha iyo aqoonta iskaashatooyinka, taas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.
Geesta kale Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta sidii shirwaynuhu u noqon lahaa mid midho dhal ah, kana tarjumaya xal u helida baahiyaha iyo caqabadaha jira.
Shirweynaha Qaran ee la filayo inuu qabsoomo dhawaan ayaa la rajaynayaa in laga soo saaro, go’aamo iyo tallooyin xal u noqda caqabadaha hortaagan ganacsatada yaryar.
Gabagabadii Madaxda Iskaashatooyink ayaa uga mahadceliyey Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha fursadda ay siiyeen, iyaga oo xusay in ka-qaybgalka ay shirkan ku leeyihiin uu wax badan ka beddeli doono horumarkooda, isla markaana ay rajaynayaan in uu xal u noqon doono caqabadaha hortaagan koboca iskaashatooyinka dalka.