Tirada booliska la hawlgeliyay iyo gaadiidka dab-damiska ah ee heeganka ku jira suuqyada Caasimadda
Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Prof Axmed Maxamed Cadaad. Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,Taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Xasan Sawaaxili,hoggaanka hawl gelinta ciidanka booliska,iyo taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidanka booliska Somaliland,ayaa xalay kormeer indho indhayn ah ku maray suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa.
Wasiirka’guddoomiyaha gobollka’maayerka caasimadda iyo taliyeyaasha ciidanka booliska iyo dab-damiska ee soo kormeeray suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa,ayaa sheegay in si wayn loo sugayo ammaanka caasimadda Hargeysa maalmaha u diyaar garawga ciidal-fidniga oo foodda inagu soo haysa.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdalle Sandheera ayaa sheegay in ciidanka booliska iyo dab-damiskuba ay heegan buuxa ku jiraan isla markaana diyaar u yihiin in ay ammaanka caasimadda oo dhan ay sugaan isla arkaana gaadiidka dab-damiska iyo ciidankii saarnaaba ay heegan kaga jiraan suuqyada caasimadda Hargeysa si ay uga hortagaan haddii dhibaato dab timaaddo.
Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex,ayaa dhankiisa sheegay in habeen kasta la hawl geliyo oo ay heegan yihiin 1200 oo askari oo boolis ah iyo gaadiidkoodii isla markaana ay ka hawl galaan guud ahaan caasimadda Hargeysa gaar ahaan suuqyda Caasimadda Hargeysa inta lagy guda jiro u diyaar garawga ciidda ee suuqyada laga adeeganayo si ay bulshada adeeganaysa iyo ganacsataduba u helaan ammaan ay suuqyada ku joogaan.
Maayerka caasimadda ayaa dhankiisa u mahad naqay ciidamada booliska iyo dab-damiska oo heegankii ugu sarreeyay kaga jira suuqyada caasimadda Hargeysa ammaankana sugay kana hor tegay in xataa tuugtu dadka dhibaateeyaan.
Taliyaha ciidanka dab-damiska ayaa sheegay in afar gaadhi oo ciidanka dab-damiska ah ay sadex ka md ahi heegan kaga jiraan suuga tiyaatarka illaa khayriyada Hargeysa halka midna uu heegan kaga jiro suuqa gobanimo.
Geesta kale ganacsatada suuqa waaheen iyo bulshada suuqyada ka adeeganaysay ayaa soo dhaweeyay hawlgalka ciidamadda booliska iyo dab-damisku ay ka wadaan caasimadda Hargesya.
Ganacsatada suuqa waaheen ayaa dhankooda ka mahad naqay kormeerka wasiirka arrimaha gudaha,badhasaabka duqa caasimadda iy taliyeyaasha ciidanku ku mareen suuqa waaheen illaa tiyaatarka ee ay ugu kuur galeen nabadgelyada suuqa.