Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay dalalka Myanmar & Thailand

0
80

Dhul gariir cabirkiisu uu gaadhayo 7.7 ayaa ku dhuftay badhtamaha dalka Myanmar, iyada oo gariirkiisa laga dareemay Shiinaha iyo Thailand, waxaana muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ay muujinayaan dhismayaal ku yaala Bangkok oo la baneynayo.

Sida laga soo xigtay hay’adda sahanka juqraafiga Maraykanka USGS, xuddunta dhulgariirka ayaa dhacda 16km Waqooyi Galbeed magaalada Sagain ee Burma, kuna dhow magaalada Mandalay. Aaggan ayaa ilaa 100km Waqooyi ka xiga caasimada Naypyidaw.

Dowladda Thailand ayaa yeelanaysa kulamo degdeg ah oo la xidhiidha dhul gariirka soo gaadhay dalkeeda.

Dad badan ayaa la la’yahay, ka dib markii dabaq uu dhisme ku socday uu burburay.

Ilaa 43 qof oo shaqaale ah oo ku dhex jiray dhismaha oo ku yaala Bangkok ayaa la baadigoobayaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta Thailand.

Machadka qaran ee caafimaadka degdegga qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ayey ku sheegeen ilaa 7 ka mid ah shaqaalaha inay soo badbaadeen, 43 kalana la la’yahay.

‘’Markii aan soo gaadhay si aan u eego goobta, waxaan maqlayay dad caawimaad u wacanaya, oo leh I caawiya,’’ ayuu u sheegay taliye ku-xigeenka booliska Bang Sue, Worapat Sukthai isaga oo la hadlayay wakaalada AFP.