Lix qof oo ku dhintay Dooni kuwa dalxiiska ah oo ku degtay Masar

0
55

Lix qof ayaa ku dhintay kadib markii dooni kuwa dalxiiska ah ay rakaab kula degtay badda cas ee xeebaha dalka Masar, sida uu sheegay bdhasaabka deegaankaas.

Doonidan oo siday 45 qof waxa la soo badbaadiyey 39 qof, iyada oo la sheegay in sagaal ka mid ah ay dhaawac yihiin, kuwaas oo afar ka mid ah ay xaaladoodu liidato. Shilka ayaa subaxninadii hore ee Khamiista meel u dhow magaalada Hurghada.

Doonida oo lagu magacaabo Sindibad ayaa la sheegay in Rakaabka 45-ka ah ay u kala dhasheen dalalka Ruushka, India, Norway iyo Sweden. Waxaa kaloo saarnaa 5 Masaari ah.

Dhammaan dadka dhintay ayaa u dhasheen dalka Ruushka. Sarkaal u hadlay Ruushka oo ku sugan magaalada Hurghada, Viktor Voropaev, ayaa sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen carruur. Sidoo kale laba qof oo kale ayaa ahaa dhakhaatiir xaasley ah.

War qoraal ah oo goor sii horeysay ka soo baxay safaarada Ruushka ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in dhamaan Ruushka la socday Doonida ay ahaayeen dalxiisayaal.

Doonidan Sindbad oo badda hoosteeda marta, waxa ay u shaqaynaysay dalxiis ahaan dhawr sano. Sida laga soo xigtay shirkadda maamusha safarrada dalxiiska – Sindbad Submarines – maraakiibteedu waxay ku qaadaan rakaab safarro si ay u sahamiyaan gunta hoose ee xeebta Hurghada.

Shirkaddu waxay sheegtay inay haysato laba ka mid ah “14-ka maraakiib ee adduunka, kuwaas oo leh 44 kursi oo rakaab ah iyo laba kursi oo naakhuudel ah.

Dalxiiska waxaa loogu talagalay dadka waaweyn iyo carruurta labadaba,  waxaana loo ogol yahay rakaabka 25 mitir (82 feet)  oo biyaha hoostooda ah.

Dr James Aldridge, oo isla safar ku qaatay mid ka mid ah maraakiibta quusta ee shirkadda bishii hore, ayaa sheegay in qof kasta oo rakaab ah la siinayo “kursi barkin ku dheggan daaqadaada, waxaana ku qoran qoraal kooban oo badbaado oo ku qoran luqado badan”.

Markabka “ma ahayn mid cidhiidhi ah “, Dr Aldridge, oo ka yimid Bristol, ayaa yidhi, isaga oo raaciyay “intii aan raacay ma dareemin ammaan darro”.

Doontan ayaa ku degtay meel hal kilomitir (0.6 mayl) u jirta xeebta magaalada Hurghada ee badda cas Masar.

Safaaradda Ruushka ayaa sheegtay in ay dhacday abaaro 10:00 xilliga maxalliga ah (08:00 GMT), oo qiyaastii 0.6 mayl (1km) u jirta xeebta.

Hurghada waa goob loo dalxiis tago oo caan ah, oo leh xeebteeda caan ku ah xeebaheeda iyo dhul-badeedkeeda. Tiro shirkado dalxiis ah ayaa ka shaqeeya dekeddooda.

Sanadihii u dambeeyay, waxaa jiray shilal kale oo la xidhiidha doonyaha dalxiiska ee Badda Cas oo ka howlgalayay magaalada.

Bishii Nofembar, doon dalxiis oo lagu magacaabo Sea Story ayaa degtay, iyadoo 11 ay dhinteen ama la la’yahay – oo ay ku jiraan lamaane British ah – iyo 35 ka badbaaday.

Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa wada baadhitaanno la xidhiidha waxa sababay shilkan, mana cadda ilaa hadda wax faah faahin ah.

Badhasaabka badda cas Amr Hanafy ayaa sheegay in doontu ay lahayd shati sax ah, hogaamiyaha naakhuuduhuna uu sitay “shahaadado ” oo sax ah.

Waxa ay u muuqatay in cimiladu aad u deggan tahay oo aanay ka muuqan wax calaamad oo kacsanaan ah.