Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka laabtay magacaabista xildhibaanka New York Elise Stefanik inay noqoto safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay.
Trump oo go’aankiisa ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, waxa uu sheegay in ay lama huraan tahay in Stefanik ay sii haysato kursigeeda aqalka Congress-ka si ay u ilaaliso aqlabiyadda xisbiga Jamhuuriga ee aan buurayn.Trump ayaa ka baqaya in hadii Elise ka tagto kursiga aan la hubin cidda ku soo bixi doonta doorashada, sidaa awgeed uu jecel yahay in ay sii hayso kursiga.
“Shaki kuma jiro inay si gaar ah ugu adeegi lahayd safiirkeena Qaramada Midoobay, laakiin waxaan uga mahadcelineynaa sida ay diyaarka ugu tahay inay ku sii jirto Congress-ka si ay nooga caawiso badbaadinta dalka.”
Aqal kongareska ayaa waxa shan xubnood aqlabiyada ku haysta Jamhuuriga, waxay kala leeyihiin 218 iyo 213 Dimuqaraadiga ah.
Hoggaamiyaha Aqalka Dimuqraadiga Hakeem Jeffries ayaa sheegay in go’aanka uu muujinayo in Jamhuurigu ay ku jiraan xaalad argagax, Trumpna uu ka cabsi qabo in uu lumiyo degmo uu ku guuleystay 21 dhibcood bishii November 2024-kii.
“Wuxuu kala laabtay magacaabisteedii ahayd inay noqoto Safiirka Qaramada Midoobay, sababta oo ah xagjiriintu waxay ka baqayaan inay lumiyaan doorashada gaarka ah si ay u bedelaan. Ajandaha Jamhuuriga waa mid aan la jeclayn.
Stefanik waxa ay sii wadi doontaa in ay matasho degmadeeda adag ee Jamhuuriga ee waqooyiga New York, halkaas oo ay dhawaan ku qabatay safar sagootin ah oo ay ugu diyaar garoobayso doorka Qaramada Midoobay. Waxa ay sidoo kale ka qayb gashay shirkii golaha wasiirada ee Aqalka Cad bishii hore.
Intii lagu guda jiray dhageysigeeda xaqiijinta, Stefanik waxay sheegtay inay ajandaha Trump ka dhigi doonto mid u gaar ah, gaar ahaan qaabkiisa “nabad iyo xoog” oo ku wajahan siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka.
Waxay ahayd xubin Congress-ka oo dhaleeceynta ugu adag u soo jeedisa hay’adda caalamiga ah iyo difaac adag ee Israa’iil.
Waxa ay hore ugu baaqday in Maraykanku uu dhimo dhaqaalaha uu siiyo Qaramada Midoobay, iyada oo ku sifaysay “mid ka dhan ah Yahuudda” iyo “maamul gaboobay oo ragaaday”.
Maamulka Trump ayaa horey u amray in dib u eegis lagu sameeyo dhaqaalaha Maraykanka uu ku bixiyo miisaaniyada caadiga ah ee Qaramada Midoobay iyo dhimista deeqaha dibadda taas oo saameyn weyn ku yeelatay shaqada iyo shaqaalaha dhowr hay’adood oo Qaramada Midoobay ah.
Aqalka Cad ma uu shaacin cidda uu madaxweynuhu u magacaabi karo in uu noqdo danjiraha Qaramada Midoobay ee soo socda.