- Calool-xumada, xaasidnimada, sharaf dhaca, Caajiska, Cabsida, Tamar-darrada, Hunguri waynida, Bakhaylnimda, Cadawnimada iyo Dulmiga intuba waa Shar ee Allah (sw) ka magan gal, mar walbana ka bari in uu kaa badbaadiyo.
- Dambiga aad gasho ha ka warwarin inta uu le’eg yahay waayo marna kama wayna naxariista Allah sidaa darteed Isaga u noqo (toobad) waana inaad go’aansato in aanad ku noqon.
- Iska jir gacan adayga, waxa aad sadaqaysato ayaa kuu ah hanti. Sadaqaddu waxay ka bilaabanta guriga (Qoyska).
- Qorshaha iyo nidaamka wanaagsani waa muftaaxa guusha, ku dadaal in aad mar walba samayso qorshe waxqabad.
- Nolosha waa wakhtiyo kooban, Amin kasta sida uu yahay uga faa’iidayso. Qiyaas waxa kuu soo kordhay ama kaa dhacay dhinaca horumarka. Waxa kaa khaldamay ama aad saxday, dhamaan waa in mar walba aad tahay qof dhinac kasta ka miisaaaya oo la socda.
- Murugada iska jir waayo nafta way gubta, maskaxada way disha, waxay ku tusta dhamaadka nolosha. Waxa kale oo ay farxad galisaa cadowgaaga, waxay muujisaa ducfigaaga, waxay kaa dhigtaa qof liita.