Hadii aan Timaha dabto ma waxyeello ayay ii leedahay mise wanaag?

0
48

Timaha oo la dabtaa ama la tidcadaa waa mid ka mid ah qaababka ay ku caan baxeen dumarka madow, waanay ka siman yihiin dumarka caanka ilaa  dumarka  caadiga ah, laakiin waxa su’aalo la iska weydiinayaa saameynta ay ku leedahay caafimaadka?.

Nidaamka ama timo dabistu waxay socon kartaa ilaa shan saacadood iyada oo dumarka farshaxanka ahi ay si qumman u qaybiyaan timaha, iyaga oo isticmaalaya shanlo iyo gacmahooda. Qayb ka mid ah madaxa ama timaha ayaa la bilaabayaa oo la dabayaa, si tartiib tartiib ah ayaa loo wadayaa ilaa timaha oo laga dhigo sidii xadhkaha.

Dabitaanka ama tidcidu waxay ku xidhan tahay qofka sida ku habboonaan.

Xilliga la dabtaa way kala duwan yihiin dumar badani waxay qabtaan markay hawl qabanayaan, markay fasaxa tegayaan, dabaalanayaan iyaga oo doonaya in aanay ka werwerin timahooda. Sidoo kale ardayda aan wakhtiga badan haysan way dabtaan iyo sababo kale.

Dumarka qaarkood waxay dabaan timahooda oo keliya intay doonaanba ha leekaadaane, dumarka qaarna waxay isticmaal timo macmal ah oo ay ku qurxiyaan kuna sii dheereeyaan timahooda, waxaana timaha macmalka ah loo yaqaan Synthetic Hair.

Hadaba daraasad cusub ayaa soo jeedinaysa in timaha synthetic Hair oo dumar badan oo madow ahi ay isticmaalaan si ay u gaadhaan qaabka ay doonayaan ay u xun tahay caafimaadkooda.

Hay’adda Maraykanka ee aan macaash doonka ahayn ee Consumer Reports ayaa tijaabisay muunado laga soo qaaday toban ka mid ah noocyada ugu caansan ee timaha tidcan ee synthetic, waxayna ogaadeen in dhammaantood ay ku jiraan maadooyin keeni kara kansarka naasaha ama sababi kara.

Cilmi-baadhistu waxay samaysay saamayn, iyada oo baraha Instagram-ka iyo kooxaha WhatsApp-ka ay ka rayi dhiibteen daraasadda, iyaga oo ka digay khatarta la sheegay in lagu qariyo timahan.

Mid ka mid ah dadka ka rayi dhiibtay waxa ka mid ah, Rochelle, oo iyadu tidcadeeda u samaysa bil dhaaf.

“Timahan caanka ah, waxaa loogu yeedhaa qaab ilaalin,” ayay tidhi Rochelle.

Waa erey sida caadiga ah loo isticmaalo marka farshaxan tima tidcida la samaynayo, waxay ilaalinayaan timahaaga sida ay qabaan. Laakiin runtii miyuu na ilaalinayaa mise wax buu nayeelayaa? Ayey raacisay.

Waa wacyigelin la’aan ayaa ku badan haweenka madow taasina waa mida walaaca leh, ayay raacisay.

“Dadka cuna cunto aan caafimaad qabin ama sigaar cabba, way garanayaan waxay samaynayaan in ay wax u dhimi karaan jidhkooda, halka timaha aad timahaaga ku dhejinayso ama aad ku xidhayso aanad ogayn in ay wax ku yeelayaan”.

James Rogers, oo ah madaxa baadhitaanka arrimahan ee badbaadada Macaamiisha, ayaa sheegay in natiijadu ay tahay arrin walaac leh sababta oo ah haweenku waxay “xidhiidh joogto ah” la leeyihiin kiimikooyinka waxyeellada leh haddii timuhu ay ku jiraan tidcid, joogto ah muddo bilo ah markiiba.

Laakiin waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay cilmi baadhis dheeraad ah, isaga oo yidhi: “Waxaan rajeyneynaa in tani ay bilowdo ka hadalka, iyada oo aan  la eegayn dhinaca sharciga, laakiin sidoo kale la eegayo waxa ka dhex jira bulshooyinkeena, oo ku saabsan wadaaga macluumaadka saxda ah.”

Haweenka nadow ee magac leh ama fillimada jila, ayaa goobaha haweenka farshaxanka timaha loogu sameeyo u sameeya macaamiil. Qaabka ay timaha u samaystaan ayaa la raacaa, sida Elphaba oo jilaysay filimkii Wicked oo mid ka mid ah filimada lacagaha ugu badan soo xareeyay 2024.

Rugta Josée Professional Braiding ee timaha Tidicda oo ku yaal waqooyiga London, ayaa aragtay daraasadda laakiin waxay sheegtay in aanay ahayn mid ka saaraysa macaamiisha.

Josée ayaa sheegtay in inkasta oo natiijooyinka ay ka werwersan yihiin, haddana waxay sheegtay in ganacsigu sidii caadiga ahayd u socdo.

Qaar ka mid ah macaamiisha, ayaa ka xumaaday cilmi-baadhista. Kellie-Ann oo ka mid ah  macaamiisha goobta Josée’s salon, ayaa sheegtay in ay dareentay in la khiyaameeyay ka dib markii ay akhriday daraasadda: “Waxaan u maleynayaa inay aad u xun tahay in shirkaduhu ay tan u sameynayaan sanado badan dumarka madow.

Ifeanyi oo timaha tidcan jirtay ilaa caruurnimadii, ayaa sheegtay tidcidu tahay qaabka ugu haboon ee lagu maareeyo inta ay ku mashquulsan tahay waxbarashada jaamacada.

Waxay daraasadda ku tilmaantay in aanay ahayn mid laga naxo, waxay tilmaantay in dadku ay la kulmi karaan kansarka maalin kasta, oo laga qaadi karo cuntooyinka qaarkood ee warshadaysan, khamriga iyo tubaakada .

“Sida iska cad waxaad waa in la taxadaro – waxaan u maleynayaa in aanay ahayn wax si buuxda looga tago qaabka ama timo-tidcidu.” Ayey raacisay.

Sannadkii 2021 Treasure Tress , oo u kuur gasha quruxda timaha madow, fadhigeeduna yahay UK, ayaa ogaatay in haweenka Britishka madow ay ku kharash gareeyaan £ 168m sannadkii wax soo saarka timaha. Cilmi-baadhis hore oo ay samaysay L’Oreal ayaa soo jeedisay in dumarka madow ee UK ay timahooda ku qaataan lix jeer in ka badan dumarka caddaanka ah.

Dumarka waa u dhaqan soo jireen ah in ay timaha dabtaan oo dhaqan ayey u lahaan jireen, laakiin waxa ku cusub timaha macmalka ah ee loo yaqaano synthetic hair. Lama yaqaan wax laga sameeyo. Waxa jira loo yaqaano Ruka Hair oo laga keenay Koonfur Bari Aasiya oo la sheegay in ay ka yimaadeen Noole, waxaana ay suuqa ka heleen qiime adan.