Dhibaatada Waa La Maareeyaa!

0
45

Wiil ayaa saaxiibkii ka u sheegay dhibaato haysta oo uu ka cabanayo, waxaan uu ku yidhi “ Saaxiib gabadh kasta oo aan is idhaahdo guursaba hooyaday ayaa diidaysa maxaan yeelaa ?”

Saaxiibkii ayaa ku yidhi laba midkood inaad hooyaada ka codsato weeye, inay iyadu ku soo doorto oo aad sidaa ku guursta iyo inaad soo hesho gabadh hooyadaa u eeg dhinac muuqaalka iyo dabeecadaba.

Waxaana uu doortay taasi danbe, aadamiga ayaa jecel inuu isagu go’aanka yeesho. Markii uu soo helay gabadh hooyadii la mid ah, ee uu u keenay. Hooyadii si dhiba yar ayay u ogolaatay waana ay ku raacaday.

Saaxiibkii ayuu u sheegay oo yidhi “ saaxiib waan soo helay gabadh hoyaday u eeg, waana ay ogolaatay,, laakiin imikana waxa diidan aabahay” . saaxiibkii ayaa ku yidhi “ Waa sidaasi dhibaatooyinku ma dhamaadaan laakiin xalkeeda ayaa la raadiyaa”.