Halista Sirdoonka Aan Wadinayada Lahayn!

0
46

Markii uu noqday wakiilka gaarka ah bishii January 12, sanadkii 1976, Hanssen waxa loo bedelay xarunta FBI ee ku  taalla Gary Indiana oo 40 Km u jirta Chicago.  Sanadkii 1978 ayuu Hanssen iyo qoyskiisa balaadhanayay oo hooyadood iyo lix caruur ah ay dib ugu soo guureen magaalada Newyork.

Wakhtigaasi ayuu si rasmi ah u bilaabay ururinta macluumaadka sirta ah ee gudaha dalka ee uu ku hawlan yahay. Sanadkii 1979 oo ahayd markii uu 3 sano keliya la shaqaynayay FBI ayuu hawlaha uu qabto u bandhigtay Hayโ€™dda GRU ee Ruushka , taasi oo ahayd hayโ€™adda sirdoonka ciidamad ee debedda.

May jirin arimoo siyaasadeed iyo kuwo diimeed oo ku riixiyay inuu sirta FBI siiyo sirdoonka Ruushka, laakiin sida markii la qabtay ay cadaysay FBI waxa keliya ee uu ka laha waxay ahayd inuu helo dakhli iyo lacag marka uu ka iibiyo sirta dalkiisa sirdoonka Ruushka.

Hanssen waxay xidhiidhkii u horeeyay wada yeesheen Dmitiri Polyakov oo ah ahaa saraakiisha sirdoonka Ruushka. Dmitiri Polyakov wuxu ah Janraal sare oo ka tirsan ciidanka GRU isla markaana ahaa sarakiishii caanka ku noqtay dagaalkii qaboobaa, kaasi oo CIA looga yaqaanay magaca BOURBON ama ROAM, halka hayโ€™adda FBI ay taqaanay TOPHAT.

Hanssen wuxu uu u sheegay GRU macluumaad ah in FBI ay wakhtigan ku hawlan tahay inay  howsheeda laban laabto, iyo isagoo siiyay liis ay FBI uga shakisan tahay inay ka tirsan yihiin sirdoonka Ruushka.

Hanssen waxay sirta is waydaarsdeen bilwogii wuxu u gudbiyay Dmitiri macluumaad muhiim ahaa, kaasi oo uu Dmitri ku dalacay derajadiisโ€ฆ.