Xikmadaha Maanta

0
59
  • Haddii aad cadhooto waxaad la mid tahay qof cabay sun isagoo doonaya inuu cadawgiisu ku dhinto. Kaasi oo moog inuu yahay kan dhimanayaa naftiisan cabtay. Sidaasi ayay cadhadu adigaa ku dilaysaa.
  • Maalin ayay cadceedu soo bixi doonta adigoo aan joogin dunida, maalintaasi u diyaar ahaw.
  • Haddii aad wakhti kasta rumaysato inaad saxan tahay ,weli nolosha waxba kamaad baran. Khaladkuna waa cashar uu ku siinayo macalin khabiir ahi.
  • Arinta ugu wanaagsan ee ku difaaci kartaa markaad maqan tahay waa akhlaaqda iyo dhaqankaaga wanaagsan.
  • Caqliga wanaagsani waa ubax qurux badan oo aan ka bixin beertaada. Ma jiro qof  qalbigaaga dhaawaci kara haddii aanad siraha iyo meelaha aad u liidato u sheegin. Dadka oo dhan hakula dhaqmin dabeecad keliya waayo cudurada  ma kaxayso dawo keliya