Xukuumadda oo Kaalmo Raashina Gaadhsiisay 255 Qoys oo waxyeelo ka soo gaadhey Roobabkii Gu’ga

0
67

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland, ayaa Kaalmo raashin iyo agab kale oo muhiim u ah u qaybisay in ka badan 255 qoys oo ku nool xaafadda Dab-la-taagay ee waqooyiga Hargeysa, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaadhay roobab dabaylo watay oo 19 March 2025 ka da’ay caasimadda Somaliland.

Raashinka qoysaskan loo qaybiyey waxa ka mid ah bariish, sonkor, baasto, saliid, timir, bustayaal iyo agab kale, waxaana taakulaynta loo fidiyey qoysaskan amray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), sida ay sheegeen masuuliyiin iyo saraakiil hadalo ka jeediyey goobta deeqdaas loogu qaybiyey qoysaskan.

Xafladda Deeqdaasi Raashinka ahayd ayaa guddoonsiinaayey Qoysaska Roobabkaasi ku waxyeeleeyen Xaafadda Dabla-taagey ee Magaladda Hargeysa, Roobabkaasi oo watey Dabeylo.

Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ku ahaa Masuuliyiin ka mida ahaayeen, Masuuliyiinta sarsare ee Hay’adda u diyargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka Somaliland, gobolka Gobolka Maroodi-jideex iyo xubno ka socdey Ururadda ka shaqeeya horumarinta Bulsada.

Isu-duwaha Hay’adda u diyargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Cabdi-xakiim Cali Cige ayaa sheegay in Gobolka Maroodi–jeex bulshadda ku dhaqan markey dhibaato la soo daristo in Masuuliyiinta hay-addaasi si dhakhso ah uga jawaabaan wixii dhibaato ah Bulshada la soo darista, waxa uu Madaxweynaha Qaranka JSL Dr- C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) uga mahadceliyey sida Xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad uga warhayaan Bulshadda inteeda nugul, isaga oo xusay in ay fuliyeen ka hay-ad ahaan balanqaadkii Madaxweynaha Somaliland ee ahaa in Dadka Xaafadda Dab-lataagey ee Magaladda Hargeysa taakulo loo fidiyo.

Guddoomiyaha Masuuliyiinta hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Sheekh Cali Maxamed ayaa ka waramey in ka hay’ad ahaan ka soo jawaabeen baahidii Bulshadda Xaafadda Dab-lataagey ka jirtey.

Guddoomiyuhu uga mahadceliyey guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex sida uu Hay-adda u diyargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka Qaranka Somaliland uu gacanta uga siiyo howlaha gacanta ku hayaan in ay u fulaan sidii loogu talogaley, waxa uu intaas ku daray in Dhibaatada Roobabkaasi ka dhashey ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen Bulshadda ku dhaqan degmooyinka Macalin Haaruun iyo Gacan-libaax ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo Guryahoodii oo sandaqado u badnaa Roobabkaasi wax-yeelo u geysteen

Gaba-gabadii Guddoomiyuhu waxa uu gobtaasi ku guddoonsiiyey 255 kaa Qoys Raashinkoodii oo Dhammeystiran, iyadoo Guddomiyuhu xusey in 500 Qoys oo kalena ugu talo galeen Tamir kuwaasi oo aan ka mid aheyn Qoysaskaasi Deeqda Raashiskaasi la gaadhsiiyey.