Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan)- Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada uga diray hadaladda xanafta leh ee lagu kicinayo dadweynaha iyo hadaladda af-lagaadooyinka ah ee la isu mariyo warbaahinta kala duwan iyo baraha bulshada, waxaamu taliska ciidanka Boolisku sheegay in sharciga la horgayn doono dadka caadaystay arrimahaasi/
Taliyaha hawl-galinta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo guuto Ibraahim Cabdi Xaaji oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu u soo jeediyay dadweynaha in laga waantoobo hadaladda deelqaafka ah ee Warbaahinta laysku mariyo, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo ku salaysan kicin bulsho.
Taliyaha hawl-galinta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo guuto Ibraahim Cabdi Xaaji oo arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hadalka sharci-darrada ah ee warbaahinta laysu marinayo ee qabiilaysan, ee ku salaysan kicinta dadweynaha ee af-lagaadada leh ee sharci ogoli aanu jirin. Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu guddooonsaday in uu la dagaalamo oo Maxkamad lagu hor geeyo.qof kasta oo af sharci darro ah ku hadla ee ku kaca isku dir qabaa’il ama kicin dadweyne.
Waxaa jira dad la qabqabtay oo rag u dumar ba leh, waxaana aanu uga digaynaa dadweynaha in laga waantoobo oo la joojiyo hadalka deelqaafka ah”.
Sidoo kale, Taliye Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa waxa kale oo uu dadweynaha uga digay qaadashada Midiyaha dadka lagu wax yeeleeyo. Waxaana uu yidhi “Ciidanka Booliska Somaliland, dagaal xooggan ayuu kula jiraa Midiyaha sharci darrada ah ee la sito ee dadka wax lagu yeelayo. Bishii u dambaysay, waxa dhacay dil toorraya lagu geystay, sidaa awgeed waxa aanu uga digaynaa dadweynaha qaadashada toorrayda sharci darrada ah.
Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay qabanayaan cid kasta oo sidata toorrayda sharci darrada ah. Dadweynaha reer Somaliland na waxaanu ka codsanaynaa in Booliska lagu gacan-siiyo, arrintaas ayaanu dadweynaha ka codsanaynaa”.