Halista Taayiradda La Gubaa ay u Leeyihiin Caafimaadka iyo Deegaanka:- Baadhitaan

0
64

Waxyaabaha ugu badan ee ay wadamadda adduunku waayadan danbe aad ka uga cabanayeen waa isbedelka cimiladda adduunka iyo dhibaatadda uu ku keenay noolaha guud ahaan gaar ahaana bini’aadamka iyo deegaanka ay ku nool yihiin.

Kuwaasoo ay qayb ka yihiin waxyaabaha dikhawga ama wasakhawga ku keena hawadda, ee  ka dhasha qiiqa ama qaaca ay hawada ku sii daayaan wershadaha kala duwan ee wadamadda horumaray.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa warbixin baadhitaan ah oo laga diyaariyay dhibaatadda ay deegaanka ku keenaan taayiradda qashin ahaanta loo gubo, kadib marka ay duugoobaan.

Taayiradda qashinka ee aan la maarayn ayaa halis deegaan ku haya adduunka, sida ay sheegtay Wakaaladda Deegaanka (EA) . baadhitaan dhawaan la sameeyey waxaa lagu sheegay in Taayirada hadhaaga ah ee la gubo markay buux dhaafiyaan goobaha qashinka ama marka la doonayo in wax kale laga sameeyo.

Gubitaas oo inta badan ka dhaca meel furan, ayaa la tilmaamaa  inuu keeno dhibaato dhinaca caafimaadka iyo deegaanka ah. Sida ay sheegayso wakaaladda Deegaanka Envorinment Agency.

Wakaalada deegaanka ayaa bilawday dib u eegis dhamaystiran oo lagu samaynayo shixnadaha taayirada qashinka ah ee laga keeno dalka UK ilaa dalka Hindiya.

Toddobaadkii hore baadhitaanno ay samaysay BBC oo ay dhegaysteen malaayiin dad ah in gubitaanka  iyo dib u warshadaynta taayirada qashinka ah lagu gubay meelo bannaan iyo  Moofooyinka macmal ah. Kuwaasi oo la sheegay in ay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo halis ah iyo waxyeello deegaanka ah.

Koox loo yaqaano Fighting Dirty ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonaan dacwado sharci oo ka dhan ah EA ama wakaalada deeganka, waxay ku eedeeyeen wax ay ugu yeedheen “tallaabo la’aan”  ku saabsan arrinta dhoofinta Taayiradda.

Wakaalada deegaanka (EA) ayaa weydiisatay in haayadda la dagaalanka wasakhawga (Fighting dirty),  in ay sugaan ilaa ay dib u eegista arrimahan dhammaysanayaan. Haayadda la dagaalanka wasakhawga  waxa ay sidoo kale ka codsatay BBC in ay la wadaagaan caddaynta baadhitaankooda. Boqortooyada Midowday ee Ingiriisku,  waxay soo saartaa ilaa 50 milyan oo taayiradda qashinka ah (ku dhawaad ​​700,000 oo tan) sanad walba.

Sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah, qiyaastii kala badh taayiradani ayaa loo dhoofiyaa dalka Hindiya, oo loo malaynayo in dib loogu warshedeeyo.

Laakiin BBC ayaa shaaca ka qaaday in ilaa 70% boqolkiiba taayirada laga dhoofiyo dalka UK ee loo dhoofiyo Hindiya iyo adduunka intiisa kale in la gubo ama la kariyo.

Si looga soo saaro waxyaabo ku jira  sida birta, xaddi yar oo saliid ah iyo sidoo kale kaarboon madow oo budo ah ka dibna qashinka lagu qubo ama lagu daadiyo dhulka la degan yahay.

Waxyaabahaasi waxay la fal galaan biyaha dhulka miyiga ah iyo deegaanka, waxay noqdaan kuwo sun ah oo waxyeello u leh caafimaadka bulshada, iyo sidoo kale khatar suurtagal ah.

Bishii January, ee sanadkan 2025-ka,  laba dumar ah iyo laba carruur ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay warshad ku taal galbeedka gobolka Maharashtra, ee dalka Hindiya, halkaas oo lagu farsamaynayay taayirrada laga keeno Yurub. Koox ka tirsan BBC-da ayaa booqatay goobta waxayna soo arkeen dambas, dhir dhimanaysa iyo marin-biyoodyo goobta ku hareeraysan oo hadhaagu wasakheeyey.  Dadka tuulada ayaa ka cawday qufac joogto ah iyo dhibaatooyin indhaha ah.

Baahinta ka dib, Waaxda Deegaanka, Cuntada iyo Arrimaha Miyiga (Defra) ee dalka Hindiya, ayaa u sheegtay BBC in saraakiisha iyo qareennada haayadda ilaalinta wasakhawga deegaanka EA ay xiisaynayaan inay baadhaan waxyaabaha barnaamijku sheegay, oo ay ku jiri karaan fal danbiyeed kasta oo suurtagal ah.

Warqad ay aragtay ama ay heshay BBC, qareenada EA waxay ku sheegeen in baadhitaanka si taxadar leh loo tixgalin doono, taas oo qeyb ka ah dib u eegis ay ku bilawday habka ay u wajaheyso shixnadaha taayiradda. Waxay intaa ku dareen in wakaaladda ilaalinta deegaanka EA ay ka shaqaynaysay sidii ay arrintan ugala hadli lahayd masuuliyiinta deegaanka ee ku shaqada leh ee Hindiya, isla markaana ay qaadayso tallaabooyin ay ku diyaarinayso wefti la kulma saraakiisha dabayaaqada sanadkan.

Aasaasaha Dirty Georgia Elliott-Smith, oo warqado xidhiidh ah haayadda ilaalinta deegaanka ee EA arrintan kala lahaa tan iyo sanadkii 2023-kii, ayaa sheegtay in ay “guul weyn” u tahay kooxda “dowladda waa in ay joojiso in ay indhaha ka qarsato ficillada sharci darrada iyo anshax-darrada ah”.

Sidaas oo kale wadamada Afrika waxa soo gala shixnado Taayiro ah oo dib loo isticmaalo ka dibna qashin noqda, waana la gubaa markay buuxiyaan qashinka.