Golaha wasiirada Slovakia ayaa ansixiyay qorshe lagu toogto ku dhawaad rubuc ka mid ah xayawaanka dalkeeda ku badan ee loo yaqaano BEAR Somaliduna u taqaano Aara dube ama Madax kuti, ka dib markii ay nin dileen oo haraga ka siibeen isaga oo dhex lugeynaya kayn ku taal badhtamaha Slovakia.
Ra’iisul Wasaare Robert Fico ayaa ku dhawaaqday shir ay yeesheen golaha wasiiradu in la toogto 350 ka mid ah Brown Bears-ka dalkaa, iyada oo la qiyaasay in ay ku noo yihiin dalkaa1,300 oo Bears ah, waxaana la doonayaa in la dhimo, iyada oo sabab looga dhigayo khatarta bini’aadamka ka dib markii ay dhaceen weeraro badan.
“Kuma noolaan karno waddan ay dadku ka baqayaan inay duurka ama kaynta galaan,” ayuu ra’iisul wasaaruhu u sheegay saxaafadda.
Xaalad degdeg ah oo gaar ah ayaa dalka la geliyey iyada oo bahalaha lagu tooganayo 55 degmo oo ka mid ah 79 degmo ee Slovakia, bahalahanina waxay ku baahsan yihiin dalka intiisa badan.
Dowladda Bratislava ayaa mar hore dabcisay ilaalintii sharciga ahayd ee u oggolaanaysa Bears in la dilo haddii ay aad ugu dhowaato deegaanka aadanaha. Ilaa 93 ayaa la toogtay dhamaadka 2024.
Qorshayaasha toogashada oo intaas ka sii badan ayaa waxaa cambaareeyay dadka ilaaliya, waxayna sheegeen in go’aankan uu yahay mid xadgudub ku ah waajibaadka caalamiga ah uuna noqon karo sharci darro.
“Waa wax caqli-gal ah,” ayuu yidhi Michal Wiezek, oo ku takhasusay cilmiga deegaanka ahna mudane ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Progressive Slovakia.
“Wasaaradda deegaanku waxay si ba’an ugu guul darreysatay inay xaddido tirada weerarrada bahalahan ee uu ka dhashay dilitaanka aan horay loo arag ee noocyada bahalahan ee ahayd in ilaaliyo,” ayuu u sheegay BBC.
“Si ay u qariyaan guul-darradooda, dowladdu waxay go’aansatey in ay sii kordhiso dilkooda,” ayuu sii raaciyay.
Wiezek waxa uu ku dooday in kumannaan iska horimaad oo sannadkii la soo dhaafay ah aanay wax dhibaato ahi dhicin, waxaana uu rajaynayay in Komishanka Yurub soo farageliyo.
Booliiska Slovakia ayaa Arbacadii xaqiijiyay in nin mayd ah oo laga helay kaynta u dhow magaalada Detva ee badhtamaha Slovakia habeenimadii Axadda uu dilay Bear. Dhimashadiisa waxa sababay weeraro bahalo dhowr ah.
Ninkan oo 59 jir ah ayaa la sheegay in la waayay Sabtidii ka dib markii uu ka soo laaban waayay socod uu ku dhex marayay keymaha.
Waxaa la helay sida ay maamulku tilmaameen “dhaawacyo halis ah oo madaxa ka soo gaadhay”. Godad bahalku leeyahay meel u dhow ayaa laga helay, urur aan ndawli ahayn (NGO) oo maxalli ah ayaa sidaa u sheegay wargeyska Slovak Novy Cas.
Xaalada Bears ayaa noqotay arrin siyaasadeed ka noqotay Slovakia ka dib markii ay kordheen tirada kulanka dadka iyo xayawaanka, oo ay ku jiraan weeraro dhimasho.
Bishii Maarso 2024, haweeney 31 jir ah oo Belarusian ah ayaa ku dhacday tog waxayna ku dhimatay iyada oo uu baacsanayo Bear waqooyiga Slovakia.
Dhawr todobaad ka dib ayaa laga soo duubay muuqaalo muujinaya bahal weyn oo Brown Bear ah oo maalin cad dhex wareegaysa badhtamaha magaalada u dhaw ee Liptovsky Mikolas, isaga oo xidhaya baabuurtii kuna cidhiidhiyey dadka wadada laamiga saaran.
Maamulka ayaa markii dambe sheegay in ay toogteen oo ay dileen neefka, inkasta oo dadka ilaalinta deegaanka ay sheegeen in markii dambe la helay cadeymo cad oo ah in ay toogteen.
Wasiirka deegaanka Tomas Taraba ayaa sheegay Arbacadii in Slovakia ay ku nool yihiin in ka badan 1,300 oo Bears ah, waxaana uu sheegay in ay ku filan yihiin 800- oo neef maadaama dadku ay sii kordhayaan.
Xayawaankan Bears ayaa ku dhaqan buuraha Carpathian ee Slovakia, waxaanay ku fidsan ilaa Romania, ilaa galbeedka Ukraine, ilaa Slovakia iyo Poland.