Midowga Afrika ayaa xaruntooda ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka saaray Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, Abraham Nfus.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii dalal dhowr ah ay diideen in ay ka qayb-galaan munaasibad lagu xusayey sannad-guurada 31aad ee ka soo wareegtay xasuuqii dalka Rwanda ka dhacay 1994 haddii aan xarunta laga saarin Danjiraha Israel oo halkaas ku sugnaa.
Wasaaradda Arrimaha-dibedda ee Israa’iil ayaa sheegtey in ay ka xuntay tallaabadan, isla markaasna ay Midowga Afrika ka qaadayso tallaabooyin diblumaasiyadeed oo aanay sheegin nooca ay yihiin.
Israel waxay arrintaasi ku eedaysay Guddoomiyaha Cusub ee Komishanka Midawga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo ka soo jeeda dalka Jabuuti, waxayna sheegtay in safiirkooda oo munaasibaddaasi xuska ahayd lagu martiqaaday uu Guddoomiyuhu horjoogsaday, sidaasna looga saaray shirka.
Danjiraha Israel oo dhawr cisho ka hor la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Addis Ababa ay xaq u leedahay inay bad hesho.
Israel ayaa tuke cambaar leh ka noqotay fagaarayaasha caalamka intooda badan sababo la xirdhiidha xasuuqa iyo gumaadka ay ciidankeedu ku hayaan shacabka reer Falastiin ee Gaza iyaga oo sanad iyo dheeraad ah dilay dad ka badan 50 kun oo u badan haween iyo caruur.
Trump oo weji cusub u yeelay Dagaalka dhaqaale ee China & USA
Madaxweyne Trump, ayaa waxyar ka hor ku hanjabay inuu Shiinaha ku soo rogi doono canshuur 50%, haddii aanu si deg deg oo illaa 8 April uga laaban, tallaabada aargoosiga ah ee Shiinaha uu uga jawaabay canshuurtii uu horey u soo saaray Trump , markaas oo Shiinaha badeecada Maraykanka uu dul saaray canshuur 30%,
Trump ayaa ku goodiyey haddii Shiinaha aanu ka laaban waxaa dhaqangeli doonta 9 April , canshuur 50% ah oo Trump uu saarayo wax soo saarka Shiinaha.
Trump ayaa daahfuraya toddobaad kale oo dagaalka ganacsiga uu saameyn ku yeelanayo suuqyada caalamka , kuwaas maalmihii u danbeeyey la kulmayey hoos u dhici u sarreeyay muddo dheer kaddib, xilli suuqyada Shiinaha iyaguna ay ku jireen hoos u dhaca ka dhashay canshuura uu soo saaray Trump.
Shiinaha wuxuu sannadkii u dhoofiya Maraykanka badeeco gaadhaysa $ 438.9 bilyan, halka Maraykanka aanay xataa gaadhin badeecada uu Shiinaha geeyo laba boqol oo bilyan. Shiinaha suuqiisa macaashka ugu badan uu ka helo waa Maraykanka, marka dani ugama jirto inuu la ciyaaro Trump , wuxuu kaliya ku jiraa tartan sharafeed oo ah inuu ka hortagayo waqti hore dagaalkan in looga adkaado!