Wabiyada Hindiya waxa ku nool 6,000 oo dolphins – laakiin waxa haysata dhibaatooyin
Wabiga Ganges ee Hindiya ugu dheer uguna barakeysan waxaa ku nool kumanaan dolphins ah ama Hoombaro ah. Laakiin badbaadadooda ayaa khatar ku jirta.
Noocan Dolphins ma aha sida kuwa badaha laga helo. Biyihii ugama boodaan sida kuwa badda; dusha sare muddo dheer kuma dabaashaan. Taa bedddelkeeda, dhinac-dhinaca ayey u dabaashaan, waqtigooda inta badan biyaha hoostooda ayey ku qaataan, waxay leeyihiin san dheer, aragooduna wuu yar yahay.
Waxa loo yaqaan Dolphins Gangetic, nooc ka mid ah dolphin-ka webiga, waana xayawaanada qaranka Hindiya, inta badan waxa laga helaa webiga Ganges-Brahmaputra ee qaybta waqooyi ee dalka.
Sahan cusub ayaa lagu ogaaday in webiyada Hindiya ay martigeliyaan ku dhawaad 6,327-dolphis, 6,324 waa nooca Gangetic dolphis, hal seddex kaliya lagu tilmaamay dolphins-ka loo yaqaano Indus ah. Badi noocan loo yaqaano Dolphin-yada Indus-ka waxa laga helaa Pakistan marka uu wabigu dhex maro labada dal ee Koonfurta Aasiya.
Labadan nooc ee dolphin-ka waxa la sheegay inay yihiin kuwo khatar, sidaa waxa sheegay Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda (IUCN).
Cilmi-baadhayaal ka socda Machadka Duur-joogta ee Hindiya ayaa sahan ku sameeyay 58 wabi oo ku kala yaalla 10 gobol intii u dhexeysay 2021 iyo 2023 si ay u soo saaraan tiradii ugu horreysay ee tirada dolphins-ka webiga Hindiya.
Asalka dolphins-ka webiga ayaa ah kuwa soo jiidasho leh marka la eego abuurkooda. Inta badana waxa lagu tilmaamaa “fossils nool”, ama qalfoof nool, waxay ka soo jeedaan awoowayaashii badda oo malaayiin sano ka hor noolaa, sida saynisyahannadu sheegeen.
Siday ku yimaadeen Webiyada?
Marar ay baddu mar ku fatahay degaannada hoose ee Koonfurta Aasiya, dolphin-yadani waxay soo raaceen biyaha – oo markii ay biyuhu gudheen, webiyada. Muddo ka dib, waxay la qabsadeen webiyada mugdiga ah, oo aan aad u qoto dheereyn, iyaga oo abuuraya dabeecado ka soocaya kuwii ay ilma adeerka ahaayeen ee degganaa badda. Aragti ayaa sidaa odhanaysa.
Khubarada ayaa sheegaya in sahanka cusubi uu muhiim u yahay la socodka guud ahaan dolphinka webiga ah. Tan iyo 1980-kii, ugu yaraan 500 oo dolphins ayaa dhintay – qaar badan ooka mid ah shabaqyada kalluumeysiga ayaa lagu qabtay ama si ula kac ah ayaa loo dilay taas oo muujineysa khatarta joogtada ah ee noocyadan.
Ururka ilaalinta ee Ravindra Kumar Sinha ayaa sheegay in ilaa horraantii 2000-meeyadii, ay jirtay wacyigelin aad u yar oo ku saabsan dolphins-ka webiga.
Sannadkii 2009, dolphin webiga Gangetic waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay xayawaan badeedka qaranka Hindiya si kor loogu qaado ilaalintiisa. Talaabooyinka ayaa sii socday iyo qorshe hawleedyo tan iyo 2020, waxa la sameeyey xarun cilmi baadhiseed oo u go’an dolphins-ka sanadkii 2024, taas tan iyo markaas gacan ka gaystay soo noolaynta tirooyinkeeda.
Si kastaba ha ahaatee, ilaaliyayaasha ayaa sheegaya in weli ay jirto waddo dheer oo loo marayo. Dolphin-yada ayaa la ugaadhsadaa hilibkooda iyo xaydhoodaba, kaas oo saliid laga soo saarona loo isticmaalo qalabka kalluumaysi. Marar qaar jiidha doonyaha ama marinada kalluumeysiga ayey ku dhintaan.
Nachiket Kelkar oo ka tirsan Hay’adda Ilaalinta Duurjoogta ayaa u sheegay majaladda Sanctuary Asia in kalluumaysato badan aanay inta badan soo sheegin dhimashada shilalka ah ee dolphin-yada iyaga oo ka baqaya dhibaato sharci.
Marka loo eego sharciyada duurjoogta Hindiya, dilka dolphinka ee shilalka ah ama lala beegsado waxaa loola dhaqmaa sidii “ugaadhsi” waxaana ay qaadaan ciqaab adag. Sidaa darteed, kalluumaysato badan oo danyar ah ayaa si aamusan u daadiya meydka si ay uga badbaadaan ganaax.
Dalxiiska webiga oo camiraa tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa sii halis galiyay nolosha deegaankooda. Daraasiin safarro oo dalxiis ah ayaa mara labada webi ee Ganges iyo Brahmaputra.
“Shaki kuma jiro in qaska ka yimaada doomaha ay si ba’an u saameyn doonto Dolphin-yada, kuwaas oo xasaasi u ah buuqa,” ilaalinta ilaalinta ayaa u sheegay wargeyska The Guardian.
Mr Ravindra Kumar Sinha waxa uu aaminsan yahay in socodka maraakiibta oo kordhay ay ku riixi karaan Dolphin-yada Gangetic dhanka dabar goynta, si la mid ah sidii ay ku sameeyeen Dolphins Baiji ee wabiga Yangtze ee Shiinaha.
Madaxweynaha Iran oo shaqada ka eyriyay Madaxweyne ku xigeenkiisii oo dalxiis ku maqan
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa shaqada ka ceydhiyay mid ka mid ah ku xigeenadiisa kadib markii uu safar aad looga hadlay uu ku tagay dhulka ugu qabow dunida ee loo yaqaano Antarctica isaga iyo xaaskiisa intii lagu jiray fasax Nowruz ee sanadka cusub ee Beershiya.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay safarka Shahram Dabiri mid aan loo dulqaadan karin, lana aqbali karin, marka loo eego caqabadaha dhaqaale ee ka jira Iran.
Sawirka Dabiri iyo xaaskiisa oo wada taagan ayaa ka soo muuqday markabka dalxiiska ee MV Plancius, oo ku sii jeeday Antarctica, waxaana uu si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxaana uu cadho ka dhaliyay Iran.
Bayaan uu soo saaray Sabtidii, Pezeshkian wuxuu ku sheegay in Dabari laga xayuubiyay madaxweyne ku xigeenka arrimaha baarlamaanka falal “aan la difaaci karin”, iyada oo aan loo eegin xitaa hadii ay jeebkooda iska maal geliyeen.
“Xukuumad doonaysa inay raacdo qiyamkii Imaamkii Shiicada ahaa ee ugu horreeyay (Imam Ali), iyo iyada oo uu xilligan jiro cadaadis dhaqaale oo weyn oo saaran dadkeenna, safarrada quruxda badan ee mas’uuliyiinta dowladda waa mid aan loo dulqaadan, xitaa markay shaqsi ahaan isu maal geliyaan,” ayuu yidhi Pezeshkian.
Dhaqaalaha Iran waxaa saaran culeys weyn, waxaana saaran cunaqabateyn reer galbeedka oo ay ugu wacan tahay taageerada ay siiso kooxaha ay ka mid yihiin Xamaas iyo Hezbollah, iyada oo Maraykanka, UK iyo Midowga Yurub ay mamnuuceen ururada argagixisada.
Heerka shaqo la’aanta Iran ee Oktoobar 2024 wuxuu ahaa 8.4%, sida laga soo xigtay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), halka heerka sicir-bararka sanadlaha ah uu ahaa 29.5% .
Pezeshkian waxa uu sheegay in ficilada Dabiri “ay si aad ah uga soo horjeedaan mabda’a muhiimka u ah kuwa xilalka haya”.
Kharashka socdaalka Antarctica ee markabka MV Plancius ayaa lagu soo waramayaa inuu kharashkiisu ka bilaabmayo lacag u dhiganta $6,685 (£5,187). Caadi ahaan, booqashooyinka qaarada ugu qabow uguna dadka yar aduunka waxaa fuliya saynisyahano iyo sahamiyayaal khibrad leh.
Si kastaba ha ahaatee, safarrada dalxiiska ee lagu mushhaxayo maraakiibta ayaa aad caan u ahaa sannadihii u dambeeyay. Markabkan reee Holland ee lagu sawiray Dabiri, tusaale ahaan, waxa ciidamada badda ee Royal Nederland u isticmaali jireen cilmi-baadhisyo milatari iyo rayid intii u dhaxaysay 1976 ilaa 2004.
Madaxweynaha Iran ayaa la doortay sanadkii hore isaga oo balan qaaday inuu dhaqaalaha soo nooleynayo, isla markaana uu horumarin doono nolol maalmeedka reer Iran. Wuxuu bedelay Ebrahim Raisi, oo ku dhintay shil diyaaradeed .
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Pezeshkian ay ku booriyeen inuu xilka