Qore Yaasiin Daahir Cumar
Waa wakhti iyo waayihiisa, Somaliland xawli yar bay ku socotaa laakiin waxaa hubaal ah oo aan hadal ka taagneyn inay horey u socoto, sidaa awgeed ictiraafka Somaliland waa arrin aqoonsigeedu meel ku xardhan tahay ahna wacyiga dunida ka jira oo waayihiisa sita, sababtoo ah, doorashadda qof iyo cod ayaa ah xal ummaddeed iyo dariiq macquul ah oo ay ummaddi kuwada noolaan kareyso, si ay u hesho xasilooni siyaasadeed oo lagu maamulo Dal iyo Dad Dimoqraadiyad wadaag ah.
Waxa hubaal ah inay tahay mabd’a caqli iyo maangal ah, doorbididda waddadaa ballaadhan ee ay Somaliland qaadatay. si kastaba ha noqotee Somaliland waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuushay inay caalamka u soo bandhigto xuquuqdeeda aasaasiga ah, si ay cid kasta ugu la noolaato nabad iyo wax wada-qabsi, taasoo ah danta dadkeeda, ahna hantidda ugu weyn ee ay leedahay, mana fududda inaad si qunyar u doorato marka ay ku xeeran yihiin maamullo kale oo ka xajiimoodda kala-dambeynta iyo dimuqraadiyadda, kolkaa hadda waxaa la joogaa wakhtigii ay dunidu indhaha u kala qaadi lahayd si ay u taageerto dimuquraadiyadda nool ee firfircoon iyagoo dhiiro-galinaya Somaliland kana hor-imanaya maamuladda kale ee aanan ku dhisneyn Dimuqraadiyada, haddii fikirka aanu aaminsannahay uu yahay mid run ah oo aan dhallanteed ahayn, innaga oo maanka ku hayna, in aaney Somaliland cidna ka codsanayn Qaranimadeedda iyo samata-bixinta ummadeedda balse dunida ka codsanaysa in loo garab istaago horumarkeeda oo la maalgashadda Dadkeedda iyo Dalkeedda si ay u horumaraan, kadibna u caawiyaan kuwa ku hareereysan ee qaatay wadooyinka guracan ee aan ka talin horumarka ummadooda.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa ama ku soo gunaanadayaa sida tan “Cidwalba oo Somaliland aqoonsata waxay caawisay dimuqraadiyadda, isla markaana waxay u hiilisay nafteedda.”
Meel ku qoro odhaahdan: Somaliland waa la aqoonsanayaa, haddii kale waxay noqoneysaa dhul aan cidinna lahayn oo dunida laysugu xoog sheegto, markaa danta guud ee dunida mid dhaqan-dhaqaale iyo mid amniba waxay kujirtaa aqoonsiga Somaliland, si kasta oo dhacdba Somaliland waxa ay si tartiib-tartiib ah u gaadhi doontaa himiladeedda hufan iyo madax banaanideedda qarrannimo, iyadoo si buuxda uga mid noqoneysa xubin firfircoon kuna fadhidda kursigeeda Xarunta Qaramada Midoobay.
Qore Yaasiin Daahir Cumar.. Maamulaha Macadka Cilmi Baadhista iyo Horumarinta