Hargeysa (Dawan) Agaasime-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mr. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shalay furay tabobar socon doona laba maalmood kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen Waaxaha Sharciga & Arrimaha Qunsuliyadaha iyo Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu.
Tabobarkaas oo ah mid lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha dawladda sidii loo ilaalin lahaa dhawrsanaanta iyo hab-maamuuska dibloomaasiyiinta kuwaas oo ah xeerar dunida oo dhan lagaga dhaqmo, gaar ahaan kuwa wada-shaqaynta tooska ahi ay dhexmarto ama adeeg siiya dibloomaasiyiinta degan ee ka hawl-gala JSL.
Tabobarkaas oo uu bixinayey mid ka mid ah khubarada iyo dibloomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Tabobare Xasan Maxamed Xuseen, Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawlada ee Tabobarka kasoo qayb-galay kana faa’iideystay waxa ka mid ahaa:
Maxkamadda Sare JSL.
Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Laanta Socdaal iyo ilaalinta Xuduudaha
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddda (Kastamada & Cashuuraha Beriga).
Ciidanka Booliska
Ciidanka Dab-damiska iyo
Xeer-ilaalinta Qaranka.