Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somalialnd oo safar shaqo ku maraya Gobolada Bariga

0
49

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Gar,adag (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa socdaal ku marayey maalmihi la soo dhaafay gobolada bariga Somaliland, socdaalka Wasiirka gobollada bariga dalka, ayaa ah mid xogagaal unoqosha isla markaanu uu ku ogaanayo xaalada baris barasho ee ka jirta iskuulada iyo sidoo kale xaaldaha dhabta ha ee ka jirta goobaha waxbarashada kuwaasi oo uu hada wasiirku socdaalkiisii ugu dambeeyey uu kumarayo Gabolada Sanaag iyo Saraar.

Wasiirka oo ay wehelinayaan mas’uuliyiinta heer gobol, gaar ahaan Isu-duwaha Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag, ayaa shalay kormeeray xarumaha waxbarasho ee hoos yimaadda degmada Gar’adag.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa adeegyada waxbarasho ee deegaanadaasi, loogana xaqiijin lahaa habsami u socodka sannad-dugsiyeedka 2024/2025. Kormeerku waxa uu sidoo kale qeyb ka yahay dadaallada wasaaraddu ugu jirto xoojinta tayada waxbarashada iyo ilaalinta nabadgelyada deegaanka.

Kormeerka wasiirka iyo waftigiisa ayaa bulshadii la kulmay lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada iyo kor u qaadidda xasilloonida deegaanka, si ay uga midho dhasho horumarinta adeegyada waxbarashada iyo guud ahaan nolosha bulshada isla markaana da,yartu sidii ay u helilahaayeen waxbarasho laga shaqeeyo amniga, nabada iyo xasiloonida deegaanka.