Marka Ay Dhibtu Tahay Bilowga Guusha!

0
64

Wuxu ka shaqaynayay wershad qoryaha lagu sameeyo, isagoo dhalinyaro ah ayuu bilaabay, markii uu 40 sano gaadhay isagoo weli xoog ayuu subax hore uyeedhay maamulihii shirkadda, waxaana uu u sheegay in shaqadii laga erayay iyadoon aan loona ogalayn in mar danbena uu shaqo usoo doonto shirkadda.

 

Ninkaasi isagoo fikirya oo ka werweriya wakhtigii dheeraa ee uu shaqada shirkada iskaga lumiyay ayuu ka soo baxay, Wuxu ahaa sidii qof dhulku liqay oo madawgiisa ku sii dhex jira. Wuxu aaminsanaa in albaabkii risiqa ka soo xidhmay isaga iyo gabadhiisa.

Markii uu guriga gaadhay ee usheegay gabadhiisa waxay ku tidhi โ€œMaxaan samaynaaโ€? Waxaana uu ugu jawaabay gurigan aan ku jiro ayaan rahmayaa oo lacagtiisa ayaan dhismayaal ku samaynayaa oo aan iibinayaa.

Waana ay ka ogolaatay.. Markii uu dhismihii ugu horeeyay sameeyay wuu iibiyay , waxaana uu ka helay macaash fiican.

Shan sano oo uu hawshaasi weyday ka dib wuxu noqday nin hantiile ah. Ninkan Mr. Wilson Johnson oo ah Maraykan waa ninka asaasy Huteelada dunida ugu balaadhan maanta ee loo yaqaan Holiday Inn oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka. Waxaana tiradooda ay tahay 2649 Hutel oo dunida ku baahsan marka la eego tirokoobkii ugu danbeeyay ee la sameeyay bishii Spetmeet 30 , sandkan 2016.

Wilson wuxu yidhi โ€œ Haddii aan ogaan ahaa ninkii shaqada iga eryay maanta halka uu joogo, waxaan siin lahaa abaal marin weynโ€ , waayo isaga ayaa sabab u ah dadaalkayga iyo hantidayda.

Noloshu uma qalanto inaan werwer ku dhamaysano, fashil kastaana maaha kan noloshaada soo xidhaya waxa laga yaaba inuu yahay kan kuu furaya albaabka guusha sida Wilson Jhonson.