Burco (Dawan) Maareeyaha shirkada laydhka Burco ee Heco Khadar Jibriil Aadan oo waraysi siiyey Wargayska Dawan ayaa ka digay halista ka dhalan karta ln laydhadh kala duwan oo magaalada lagu sii daayo iyo biro la iska garab taago ama xadhko dab sideyaal ah oo la wada geliyo guryaha iyo meheradaha.
waxaanu intaa ku daray in qasaare badan oo hantiyeed iyo dhimasho marar badan ka timaada laydhka magaalooyinka Somaliland in Burco ay ka badbaaday taas oo ay sabab u tahay masuuliyadda bixinta adeegga korontada Burco oo shirkadda Heco kaliya bixiso, isla markaana shirkaduna gudatay msuuliyadda ka hortagga waxkasta oo dhib keeni kara.
Waxaa kale oo uu ka warbixiyey adeega ay shacabka u hayaan qiimaha shirkada Heco ay ka qaado bulshada ku dhaqan magaalada Burce ee xarunta gobolka togdheer isagoo sheegay in qiimaha shirkadaha laydhka bixiyaa isku midyihiin dhinaca lacagta ay ka qaadaan oo uu jaan gooyo komishanka Korontada qaranka.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ka shirkad ahaan ay buuxuyeen baahida laydhka Burco isla markaana ay bulshada magaalada ku celiyaan in ka badan boqolkiiba labaatan lacagta adeega korontada ee ay ka qaadaan. laydhka Burco.
Maareeyaha oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi
“Dhamaan shirkadaha laydhka ee Somaliland qiimaha shacabka laga qaado waxa jaan gooyo komishanka Tamarta, shuruucda laydhkana iyagaa ilaaliya, dhaman nidaamka shirkadaha laydhku ku shaqeeyaan iyagaa dajiya, waxana kawad shaqeeya Komishanka tamarta iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta”
Waxa kale oo uu intaas ku daray in qiimaha laydhka ee dalku isku mid yahay marka laga reebo magaalad Berbera ee xarunta gobolka Saaxil balse wadanka intiisa kale ay ka siman yihiin qiimaha laydhka gacantana ay ku hayso komishanka Tamartu, shirkada Heco na aanay jirin waxay kaga duwantahay shirkadaha kale ee laydhka bixiya.
“Dabkayagu waa mid joogto ah o aan marqudha la waayin, buuqani maaha buuq bulsho ee waa buuq la sameeyey oo cidi samaysay, gacmahaana lagu sameeyey oo lacag yaa lagu bixinayaa taasi oo ay wadaan niman aan sharci haysan awoodna iyo nidaam shirkada lagu sameeyon aan lahayn” maareeyaha shirkada laydhkan Heco ayaa sidaas yidhi.
Geesta kale Maareeyaha ayaa sheegay in dad uu ku sheegay in ay buuqa soo dhexgalay shirkadaha laydka wadaa ay wataan dab dhaliyayaal aan awood buuxda u lahayn in ay shacabka siiyaan laydh ku filan, waxa kale oo intaas ku daray in ay dab dhaliyayaashasi ay wataan yihiin qaar aan wakhtigan la jaan qaadi Karin isla markaana wakhtigoodii uu dhacay.
Waxa kale oo uu sheegay maareeyuhu in ay diideen dab dhaliyaashaas komishanka Tamarta iyo wasaaradda Tamarta iyo macadantu, kana soo saareen go,aamo kuwaasi oo sida uu sheegay ah qaar qoran oo lahayo arinta buuqa dhalisayna ay tahay kadib markii ay ku hungoobeen damacoodii ahaa in ay shirkadaha laydhka bixiya khalkhal galiyaan balse ay ka socon wayday isla markaana ay isku deyeen in ay khalkhal abuuraan.
Mar lawaydiiyey maareeyaha in arrinka muranka dhaliyay ee ku aadan laydhka in uu salka ku hayo arrin reereed ayaa waxa uu maareeye Khadar Jibriil ku jawaabay sida tan.
“Dad waxa jira arrimaha reeruhu wax u gooyaan dadkana jawahareer galiyaan, balse anagu ka Heco ahaan waxan nahay shirkad wayn oo reer Somaliland oo dhami ay ku midaysanyihiin”
Maareeye Khadar ayaa hoosta ka xariiqay in shirkada Heco ay tahay mid amaan ah isla markaasina samaysay ka hortaga khataraha laydhka si ay u ilaaliyaan macaamisheeda iyo guud ahaan shacabka Burco taasi oo ay kaga horeeyaan sida uu sheegay dhamaan shirkadaha kale ee dalka.
Waxa kale oo Maareeye Khadar uu ka digay halista ka dhalan karta ku tartanka laydhadh badan oo Guri la wada geliyo biro la iska dhinac taago iyo xadhko laydhadh oo la isku dul maro.
Waxaanu iftiimiyay halista laydhku ka gaysatay in badan magaalooyinka Somaliland balse ay Burco ay ka badbaaday waxyeelada laydhka taas oo ay sabab u tahay shirkadda bixisa adeegga laydhka Burco oo markasta ka taxadertay waxyeelada laydhku gaysan karo iyo Burco oo aanay ka jirin laydhadh kala duwan oo isku laanqayraysan ama birohoodu isku tiirsan yihiin.