Xikmadda Barkadda Iyo Badnida!

0
73

Nebi Yuusuf ( cs) walaalidii tiradoodii waxay ahayd 11 wiil, laakiin waxa ay ku heshiiyeen in ay shirqooleen oo ceel ku ridaan.
Halka Nebi Muuse (cs) uu haystay hal wiil oo keliya oo ay walaalo yihiin, laakiin waa uu is garab taagay walaalkii Muse waa Nebi Harrun (cs).
Waxa laga yaab in mar kasta aad Allah (sw) weydiisato nimcada maalka iyo caruurta oo badan.
Haddaba maaha xikmaddu tirada iyo badnida laakiin waa barkada. In Allah kuu barakeeyo waxa uu ku siiyay ayaa muhiim ah, adiguna aad weydiisto.
Barakadu waa ciidan qarsoon oo Junuudda Alle ah, oo uu Eebbe u soo diro cidduu doono. Marka barakadu maalka waa ay kordhisaa, ubadka waa ay islaaxisa (Wanaajisa), Jidhka iyo ruuxda way xoojisaa, wakhtiguna waa uu dheereedaa oo bata, qalbigana waa ay fara gelisaa.