Macnaha dhabta ah ee maamulka iyo gobanimadu waa in aad naftaada u ahaato sayid ka hor inta aanad dadka kale hanan, taas oo ah in aad ka xorowdo rabitaankaaga iyo anaaniyadda oo dhanย naftaadana aad hoos geyso amarada maskaxdaada.
Lahaanshaha dhabta ahi waa in aanay cidina ku lahayn xataa naftaadu, rabitaankaaguna waa in aanu ku maamulin ama uu ku kaxeeyo doonstada saxda ah.
Haddii uu gacantaada ku jiro xukunka naftaadu, adiga ayaa madax ka ah halkan. Adiga ayaana go’aaminaya meesha aad u socoto, ee ku wanaagsan horumarka , Aadaminimadaย iyo guushaada Aakhiro.
Markaad noloshan ku soo biirtay ee aad uurka hooyadaa ka soo baxday, waa lagu hoggaaminayay, awoodna maad lahayn, sidaas oo kale markaad dhimatid, waa lagu hoggaaminayaa, oo waxba ma awoodid.
Laakiin inta u dhaxaysa noloshaada iyo dhimashadaada, waxaad leedahay doorasho ah waxaad samaynayso iyo waddooyinka aad adigu raacayso. Allah (sw)ย wuxuu ku siiyay karti aad wax ku dhisto, waxna ku dumin karto, ku fikirto, waxna ku abuurto, wuxuuna idiin gacan galiyey xumaanta iyo wanaagga. Haddaba u dooro naftaada waddo noloshaada iyo geeridaada ka dhigaysa mid macno iyo qiimo leh,
Had iyo jeer waxaynu sheegnaa in aynu si fiican isu naqaanno oo ay nafteena garnayno, laakiin xaqiiqadii waxa aynu nahay beenaalayaal. Xataa culimada cilminafsigu ma awoodaan inay ogaadaan dabeecadda nafta iyo gudaheeda.
Wax kasta waa mala-awaal. Haddaynu ogaanno jaahilnimadeena, albaabada naxariista iyo jacaylka ayaa qalbiyadeenna ku furmi lahaa, nolosha adduunkuna waxay noqon lahayd mid qiimo leh oo lagu noolaado. Haddaba goormaan ogaan doonnaa?…..Kitaabk (Ruuxda iyo Jidhka.ย Dr. Mustafe Maxamuud)