Dhalinyarada Iyo Baraha Bulshada “Saamayn Noocee Ah Ayaa Isticmaalka Baraha Bulshadu Uu Ku Leeyahay, Caafimaadka Maskaxeed Ee Dhalinyaradeenna?”

0
342

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee suurtogaliya inaad si fudud bulshada ula wadaagto nuxurrada mawduucyo kala duwan. Sida oo kale, baraha bulshadu waxay kuu ogolaanayaan inaad ka falceliso xogaha iyo macluumaadyada dadka kale ay soo dhigaan, sida sawirro, muuqaallo iyo qoraallo kala duwan.

Isticmaalka internet-ka oo loo marayo shabakadaha wadaxidhiidhka bulshadu, waxa uu dad badan ka caawiyaa, inay la xidhiidhaan asxaabtooda ama dadyaw cusub. Tani waxay dhalinyarada u yeelan kartaa muhiimad wayn marka loo eego da’aha kale ee ka faca wayn. Saaxiibtinimadu waxay ka caawisaa dhalinyarada, inay dareemaan taageero mug leh, taas oo door weyn ka ciyaarta dhisidda huwiyaddooda bulsheed. Sidaas awgeed, waa muhiim in la isweydiiyo su’aallo ku saabsan sida isticmaalka baraha bulshadu u saameeyo, caafimaadka maskaxeed ee dhalinyaradeenna.

Baraha bulshadu waxay saamayn weyn ku leeyihiin nolol maalmeedka dhalinyaradeenna, laakiin qotada saamayntaasi intee ayey gaadhsiisan tahay?

Sahamin 2022-kii lagu sameeyay dhalinyaro ay da’doodu u dhexayso 13 ilaa 17 sanno ayaa daaha ka rogtay qotoda saamaynaasi inta ay gaadhsiisan tahay. Sahaminta la sameeyay oo lagu saleeyay ku dhowaad 1300 oo jawaabood ayaa iftiimisay 35% ka mida dhalinyaradu inay isticmaalaan ugu yaraan mid ka mida shanta goobood ee baraha bulshada in ka badan dhowr jeer maalintiiba. Shantaas goobood ayaana kala ahaa: Youtube, Tiktok, Facebook, Instagram iyo Snapchat.

Baraha bulshadu isku si’ uma wada saameeyaan dhalinyarada oo dhan. Isticmaalka baraha bulshada waxa loo aaneeyay mid dhimirka maskaxda ee dhalinyarada ku yeeshay saamayno caafimaad oo togan iyo kuwo taban labadaba. Saamaynahaasina waa kuwo dhalinyaradu ay ku kala duwan yihiin, marka loo eego isticmaalkooda. Saamaynta baraha bulshadu ku leedahay caafimaadka dhimirku waxa ay ku xidhan tahay arrimo ay ka mid yihiin:

  • Nuxurka uu daawado iyo hawlaha uu ka sameeyo khadka dhexdiisa,
  • Qadarka wakhtiga ah ee uu ku qaato khadka dhexdiisa,
  • Arrimaha nafsiga ah, sida heerka qaangaadhnimada iyo xaalado kasta oo la xidhiidha bedqabkiisii hore ee maskaxeed,
  • Duruufaha ku gedaaman nolosha qofka oo ay ku jiraan arrimo dhaqan, kuwo bulsho iyo kuwo dhaqaale.

Isticmaalka baraha bulshada ee dhalinyaradu waa midi laba af leh, haddii ay si qaldan u adeegsadaan waxyeello ayaa ka soo gaadhaysa; haddii ay si sax ah u adeegsadaanna waxtar ayuu u yeeshaa.

Waxtarka Baraha Bulshada:

Baraha bulshadu waxay da’yarta u ogolaadaan in ay samaystaan huwiyad iyo aqoonsiyo u gaar ah, la sheekaystaan asxaabtooda iyo in sida oo kale ay samaystaan shabakado bulsheed. Shabakadahan ayaa ah kuwo fursad siin kara dhalinyarada, si ay taageero uga helaan dadyawga kale ee leh hiwaayadaha ama khibradaha la wadaago. Taageerada noocan oo  kale ahi waa mid si gaar ah u caawin karta:

  • Dhalinyarada waayey taageero bulsheed ama dareemaya kalinimo,
  • Dhalinyarada ku jira wakhi adag oo ku abuuraya walaac iyo niyad-jab,
  • Dhalinyarada ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay iyo kuwa leh awoodo kala duwan ee raadinaya garawshiyaha guud ee bulshada,
  • Dhalinyarada la ildaran xaalado caafimaad oo wakhtigoodu dheeryahay.

Mararka qaarkoodna, isticmaalka baraha bulshadu waxa uu dhalinyarada ka caawiyaa:

  • Muujinta dareenada gudahooda ku jira,
  • La xidhiidhidda dhalinyarada dhigooda ah ee kala jooga gudaha iyo dibadda dalka,
  • Wax ka barashada sida dhalinyaradu ay ula qabsadaan ama ay u maareeyaan mawaaqifta adag ee ka soo waajaha dhanka nolosha iyo xaaladaha caafimaad ee maskaxda,
  • Ka qaybgalidda goleyaasha wadasheekaysiga ee dhiirigaliya wadahadalka furan ee ku saabsan mawduucyada bulshada waxtarka u leh sida caafimaadka, waxbarashada, horumarinta nafta, dhaqaalaha, dhaqanka,…iwm.
  • Raadinta kaalmo iyo daryeel caafimaad,

Saamaynaha isticmaalka togan ee baraha bulshadu waa mid waxtar weyn u leh guud ahaan dhalinyarada. Waxa sida oo kale laga yaabaa, in dhalinta u nugul niyad-jabka ay ka caawiso ku xidhnaanshaha kuwa kale. Waxyaabaha kaftanka iyo madadaalada leh ee baraha bulshadu; waxa laga yaabaa inay caawiyaan dhalinta la halgamaysa—la qabsashada maalin adag.

Waxyeelada Baraha Bulshada:

Isticmaalka baraha bulshada ayaa laga yaabaa inuu saamayno taban ku yeesho dhalinyarada qaarkood:

  • Waxa uu ka mashquuliyaa shaqada guriga, jimicsiga, cibaadada, akhrinta duruusta, iyo ka qayb qaadashada hawlaha qoyska,
  • Waxa uu raad ku yeeshaa tayada hurdada; waxana uu keenaa hurdo yaraan,
  • Waxa uu sababaa macluumaad khaldan iyo hadallo xanaf leh oo wiiqaya wadajirka bulshada,
  • Waxa uu sababaa walaac iyo niyad-jab, marka baraha bulshadu ay noqdaan goobo lagu faafiyo ceebaha dadka ama lagu wadaago macluumaad shakhsiyadeed oo aan loo baahnayn,
  • Waxa uu horseedaa dhalinyarada qaarkood inay sameeyaan fikrado aan macquul ahayn oo ku saabsan nolosha dadka kale ama muuqaalkooda jidheed.

 

Ugudambayn, khatarta baraha bulshada waxa lala xidhiidhiyaa arrimo dhowr ah, waxaana ka mida oo tusaale aynu u soo qaadan karnaa: qadarka wakhtiga ah ee inta badan dhalinyaradu ay ku qaataan mareegaha internet-ka.

Daraasad lagu sameeyey xogaha in ka badan 12000 oo dhalinyaro ah oo ku nool dalka ingiriiska, ayaa lagu ogaaday in isticmaalka baraha bulshada ee maalintii in ka badan saddex jeer uu dhibaato u keeni karo dabeecadda iyo deganaanshaha maskaxeed ee dhalinyarada.

Sidaas awgeed, waalidiinta waxa la farayaa, indho-kuhaynta xaaladaha nafeed ee ubadkooda iyo kawar-haynta hawlaha kala duwan ee inta badan ubadkoodu ay ka sameeyaan khadka dhexdiisa, si looga hortago saamaynaha taban ee baraha bulshadu ay ku yeelan karaan caafimaadka maskaxeed ee dhalinyaradeenna.

 

 

Qalinkii: Maxamed C/kariim Axmed (Waxbarasho)