Qore C/wahaab Daahir Xasan
Berbera (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed Cabdale Daahir Gaafane, ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada Xuska 18ka May ee dib ula soo noqoshada qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo Sannadkii 34aad laga xusi doono guud ahaan dalka i18ka bisha May.
Guddoomiyaha oo xafiiskiisa ku qabtay shir Jaraa’id ayaa sheegay in uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kuwaasi oo ka shaqayn doona qaban qaabada iyo isku dubaridka xuska 18ka May ee gobolka Saaxil.
Guddiga uu magacaabay guddoomiyuhu ayaa u dhignayd sidan:-
“Mudaneyaal anigoo ka duullaya muhiimada ay leedahay maalinta qaran ee 18ka May taasi oo sannadkan dalka si weyn looga xusi doono.
Waxaan idiin magacaabay laga bilaabo taariikhda ay warqadu soo baxday in aad noqotaan guddiga qaban qaabada iyo isku dubaridka 18ka May ee gobolka Saaxil ee sannad guurada 34aad loo debaaldegayo sannadkan 2025ka.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaa ballaadhan u gudan doontaan si ay ku jirto waddaniyad iyo masuuliyadi ku jirto.”
Geesta kalena, Guddidan ayaa kala ah
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan Guddoomiye, Ibraahim Maxamed Digaale gudd
oomiyaha waxbarashada gobolka Saaxil gudoomiye ku xigeen, Nuux Maxamed Saleebaan xoghayaha fulinta gobolka Saaxil Xoghayn, Farxaan Maxamed Xasan isuduwaha shaqada iyo arrimaha qoyska xubin, Cali Siciid Saleebaan Maareeye xigeenka Dekadda Xubin, Maxamed Saleebaan Muuse Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Xubin, Cabdirisaaq Cabdilaahi Guuleed Xoghayaha Dawlada hoose ee Sheekh Xubin, Cabdisalaan Xariir Sheekh Cismaan iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Xubin, Mawliid Cabdilaahi Iid Agaasimaha Madaxtooyada Berbera Xubin, Caynaanshe Maxamed Caydii iskuduwaha Dib u dejinta Xubin Sahra Cartan Jaamac oo ks socotay bulshada rayidka ah Xubin, Khadra Cabdilaahi Cismaan Solnak Xubin Maxamed Ismaaciil Dhimbiil Komishaneer Xubin”
Gabagabadii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdale Gaafane ayaa gudiga uu u magacaabay qaban qaabada iyo isku dubaridka xuska 18ka may ee gobolka Saaxil ku booriyey in ay sida ugu dhakhsa badan u hawlgalaan sidoo kalena ugu yeedhay in ay iskugu yimaadaan xafiiska guddoomiyaha si ay u yeeshaan kulankoodii koowaad ka hor inta aanay shaqada bilaabin