Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Maal-gelinta iyo Awood Siinta Haweenka

0
60

Hargeysa (Dawan ): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u daah-furay haayad ka shaqayn doonta maalgashiga iyo awood siinta haweenka oo lagu magacaaboda WE INVEST.

Mashruuca awood siinta Haweenka, iyo Kobcinta dhaqaalaha yar yar ee Haweenka oo ay iska kaashanayaan xukuumadda Somaliland, baananka dalka ka hawl galla, iyo haayadda We Invest, kaasoo u jeedadiisu tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Haweenka dalka.

Madaxweyne C/raxmaan Cirro, oo si rasmi ah u daah-furay mashruucaasi ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan soo dhawaynayaan mashruucani lagu kobcinayo dhaqaalaha Haweenka, isagoona xusay in tiirarkii barnaamijka xisbiga Waddani ay ka mid ahayd taageerida iyo horumarinta Haweenka.

Munaasibadda daah-furka oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno ka mid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay baananka kala duwan ee dalka ka hawlgasha, hay’ado kala duwan, haween iyo marti-sharaf kale, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in awood la saaryo, lana xoojiyo maalgelinta haweenka iyo kaalinta ay taasi ka qaadanayso koboco dhaqaalaha guud ee dalka.

Xubno ka mid ah golaha wasiirrada, haween xilal kala duwan soo qabtay, aqoonyahan, siyaasiyiin iyo ganacsato halkaas ka hadashay, ayaa soo dhaweeyey shaqada hay’addani qaban doonto iyo baahida loo qabo kobcinta haynta haweenka iyo quweynta ganacsiga iyo horumarkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shaaciyey in Xukuumadda Waddajir iyo Waxqabad ay dhawaan daah furi doonto Sanduuqa horumarinta haweenka kaas oo ka mid ahaa ballan qaadkii xisbiga Waddani ee xilligii ololaha, xukuumad ahaanna ay muhiimad gaar ah siinayaan kobcinta dhaqaalaha haweenka iyo maalgelintoodaba.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay in aan ka soo qayb gallo munaasibadan daah-furka ee lagu soo bandhigayo mashruuca awood siinta iyo maalgashiga Haweenka, ee ay curinteedda leedahay We Invest. Waxaanan boogaadinayaa boodhka haayadda We Invest iyo xubnhoodda. Guud ahaan waan soo dhawaynaynaa, maal gelinta yar yar iyo awood siinta haweenka, hawl kastoo haweenka lagu xoojinayo na gacan baanu siin doonaa. Waxa kaloo aan xusayaa in aanu fulin doono balan qaadkii ahaa in la sameeyo sanduuqa horumarinta haweenka, isagana dhakhso ayaanu u furi doonaa”.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu xusay in ay ka go’an tahay ka shaqaynta wax kastoo lagu awoodaynayo Haweenka dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, isla markaana ay gacan ka gaysan doonaan.

“Waxaan xusayaa in ay naga go’an tahay ka shaqaynta wax kastoo lagu awoodaynayo Haweenka gacan ayaanu ka gaysan doonaa. Barnaamijka xisbigan Waddani na way ku jirtay, oo tiir baa ka hadlayay arrimaha Haweenka, waxaanan filayaa in baananka Somaliland, iyo xukuumadda iyo mashruuca We Invest, inuu wax badan ka bedeli doono hawshii hore u socotay.

Waxa kaloon ku bogaadinayaa baananka iyo haayadaha kale ee hawshan gacanta ku hayayba in ay Haweenka tababari doonaan si ay hawshani u fulin karaan”ayuu yidhi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.