Wasiirka Beeraha oo Daahfuray Shirka Mashruuca Sugidda Cuntada Somaliland

0
61

Berbera (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka furay shir muhiim ah, kaasi oo lagu soo bandhigayo meelaha uu diiradda saarayo Mashruuca sugidda cuntada (FSRP), kaasi oo Baanka adduunku ka caawiyey Somaliland.

Mashruuca sugidda cuntada ee Baanka Adduunka oo ay maamulaan saddexda Wasaaradood ee Beeraha, Xoolaha iyo deegaanka, ayaa hadafkiisu yahay “Kor u Qaadida u adkaysiga Nidaamyada Cuntadda iyo taageerida

  1. Wax soo-saarka Beeraha
  2. Wax soo-saarka Xoolaha Nool
  3. Ilaalinta Deegaanka, Maaraynta Khayraadka dabiiciga ah iyo
  4. Tayaynta Siyaasadaha iyo Shuruucda La xidhiidha Nidaamyada Cuntada.

Sidaa darteed, Magaalada Berbera waxa ka furmay shir wadatashi oo heer sare ah, kaas oo ay goob-joog ka yihiin saddexda wasaaradood ee fuliya mashruuca Sugida Cuntada (FSRP), waxaana muhiimadda mashruucan sharaxaad ka bixiyey xidhiidhiyaha mashruuca Kayse Axmed Maxamed (Jeelle).

Shirka ayaa ujeeddadiisa koowaad tahay sidii mudnaanta loo siin lahaa silsilada cuntada (High Level Consultation Workshop on Agriculture and Livestock Value Chain Prioritization Workshop and Rangeland Management).

Shirkan oo soconaya muddo 4 maalmood ah, ayaa waxa furitaankiisii ka qayb-galay Wasiirka Beeraha JSL Maxamuud Cige Yuusuf oo isagu shirka furay, Wasiirrada Wasaaradaha Xanaanadda Xoolaha Cumar Shucayb iyo deegaanka Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire oo qayb ka ah maamulka mashruuca sugidda cuntada.

Waxa kale oo shirka ka qayb-galay Madax ka kala socota saddexda wasaaradood ee fulinaya mashruuca, madaxda Jaamacadaha dalka sida Jaamacadda Camuud, Khuburrada madaxa-banaan ee ka shaqeeya waaxaha Xolaha, beeraha iyo deegaan ka.

Waxa lale oo shirkan muhiimka ah ka qayb-galay Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha Somaliland, xubno metelaya ururrada iyo iskaashatooyinka beeraha, xoolaha iyo ilaalinta deegaanka.

Gaba-gabaddii waxa xusid in shirka uu ka qayb-galay guddoomyaha gobolka Saaxil, mudan iyo marti sharaf kale oo tiro badan.