Xaaji Biindhe Sahal Cali waa muwaadin reer Burco ah oo safka hore kaga jira Dhalinyarada ganacsatada ah ee ay magaalada Burco ku xisaabtanto waxtarkooda arrimaha danta guud, sida dhismaha waddooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ee bulshada.
Hase yeeshee waxa uu sannadihii la soo dhaafay si weyn uga qayb-qaatay hawlaha difaaca qaranka iyo taakuleynta Ciidamada, iyada oo ay si weyn u soo shaac-baxday kartidiisa iyo kaalinta uu Waddanka ugu jiraa dabayaaqadii bishii August 2023 markii ay Ciidamada Qaranku ka soo baxeen fadhiisimadii Magaalada Laascaanood, kolkaasoo uu ka soo muuqday goobihii Ciidanka soo guuray ay degeen ee Oog iyo Deegaamada kale ee gobolka Saraar, taageero balaadhan oo samato-bixinneed-na u fidiyey Ciidanka.
Dhacdadaa weyn ee Qaran ee uu sida xilkasnimada iyo maamuuska leh uga falceliyey kaddib, tan iyo maalintaasi waxa uu laf-dhabar iyo udub-dhexaad u ahaa Difaaca amniga Dalka oo uu ku bixiyey Maal, Maskax iyo wax kasta oo uu tahli karayey, sida ay maxfallada iyo warbaahintadaba ka sheegeen dadka xogogaalka u ahaa kaalintiisu.
Dhinaca kale, Biindhe waxa uu kamid yahay dadkii aasaasay, kuna tacbay Ciidamada Madaniga ah ee buuxiyey doorka nabad-ilaalinta Gobollada Bariga, isagoo naf iyo Maalba dul-dhigay sidii uu Ciidankaasi u noqon lahaa mid darbi iyo dab-xeer u noqda Dalka, kana badbaadiya duullaanka Kooxaha nabad-diidka ah ee Magaalada Laascaanood qabsaday.
Ciidankan Madaniga ah oo ay hadda xukuumaddu ku hawlantahay qarameyntooda, tiro ahaan iyo tayo ahaana ah kuwo ka miisaan iyo mug weyn kuwa kooxaha Laascaanood fadhiya, kuna teedsanaa muddadaas jiidaha Gobolka Buuhoodle meel u dhow xadka Itoobiya iyo Somaliland ilaa gobolka Sanaag, ayuu gacanta ku hayey qaybahooda ugu waaweyn ee ku sugnaa faramaha ugu adag, sida Buq-dharkayn ilaa Shan-geed oo ay ka socdeen dagaallo joogta ahi tan iyo bishii September ee 2023.
Muddadii u dhaxaysay September 2023 ilaa February 2025 oo uu waddanku ku jiray xaalad Doorasho iyo kala-guur siyaasaddeed, xukuumaddii Kulmiye ee talada lagaga guulaystay December 2024-na ay ku xad-fanayd danno doorasho iyo markii ay dhacday sidii ay xukunka wareejin lahayd, ayaa Ciidanka uu gacanta ku hayey Biindhe uu difaacyada kaga jiray jiidaha ay ka soo duulaan maleeshiyaadka uu hogaamiyo Cabdiqaadir Firdhiye.
Mana ahayn Maalgeliye qudha ee waxa kale oo uu ahaa hogaamiye dhufayska kula jira Ciidanka oo Xabbada la ridaya, taasoo dhiiri-gelin iyo niyad-samaan xooggan gelisay Ciidamadaa. Hawlgalkan difaaca Qaranka ee uu labada sannadood dhexda u xidhnaa oo aan xadi iyo qiyaasi toona lagu koobi Karin hantida iyo hawsha uu ku bixiyey, ayuu sidoo kale ku waayey dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Qoyskiisa, kuwaasoo sida aanu xogta ku helnay isugu jira kuwa uu Adeer u yahay, qaar ay wada-dhasheen iyo kuwo kale oo ehel ahaan ugu dhawo oo ku dhintay Dagaalada. Waxa kale oo dhaawac soo gaadhay tobanaan kale oo kamida Qoyskiisa.
Sidaasi ayuunna ku noqday “Halyey dhiig iyo dhaqaaleba u huray qarankiisa” isagoo maalintii Isniinta ee ina dhaaftay munaasibad weyn oo ka dhacday Magaalada Oog ku wareejiyey Ciidankii ugu balaadhnaa ee Madani ah oo qaab iyo muuqaal eeg Milateri dawladdeed, waxaana Ciidankaaso ku gaashaannaa Gaadiid tiro badan iyo Hub culus oo ka kooban noocyada saanada Ciidamada.
Xafladaasi oo uu ka qaybgaleen Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb. Maxamed Cali iyo weftiga uu hogaaminayo ee bilihii la soo dhaafay gobollada bariga u jooggay nabaddeynta iyo qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, ayaa si waafi ah looga bayaamiyey Ganacsade Biindhe iyo wixii uu Qaranka geliyey sanadihii adkaa ilaa hadda, waxaanay madaxda iyo waxgaradka goobtaa ka hadlay isku-raaceen in uu hiil iyo Hoo-ba ku taageeray Dalkiisa, loona aqoonsaday halyey Qaran. Waxaase cajiib ahayd in hadal qiimo leh oo uu madashaa ka jeediyey Ganacsade Biindhe uu ku yidhi “Mudane madaxweyne waxaan kugu wareejiyey dhamaan Ciidankii Madaniga ahaa ee SSB, kaddib markii aan ku qancay qorshaha xukuumaddaada” ayuu yidhi isagoo dhinaca kale kula dardaarmay Ciidanka la qarameeyey “waxaan idinku wareejiyey maanta laga bilaabo Qarankii aynu doonaynay, waxaad noqonaysaan Ciidan Qaran. Waxa kaliya ee maanta aad mudan tihiin in la idin yidhaahdo waad mahadsan tihiin. Waxa aynu u dagaalamaynay ee difaacaynay waa dalkeena. Waxa aynu gudanaynay waajib waddaniyaddeed oo xaq ah oo aynaan cidna abaal kaga rabin” ayaa kamid ahaa hadal dheer uu ka jeediyey munaasibada.
Haddaba, Ganacsade Biindhe Sahal, mar wuxuu mudan yahay ku dayasho, marna wuxuu mudan yihiin isaga iyo Ciidankiisuba in looga mahad-celiyo sida ay tamarta iyo tacabka naf-hurnimo ugu taakuleeyeen Qarankooda. Mar wuxuu mudan yahay ku dayasho oo wuxuu karti iyo kuf wixii uu lahaa geliyey badbaadinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah kaalin waddaniyaddeed oo dhamaystiran. Tani waxay ka dhigan tahay in damiirkiisa waddaniyaddeed garansiiyey inuu ganacsade hanti leh ku yahay Dalkiisa oo xor ah, nabad-gelyo ka jirto iyo dadkiisa oo ku naaloonaya nolol xasilloon. Wuxuu dareensan yahay in hantida uu alle siiyey uu ka helay dadka iyo dalka, maalinta debec yimaadana ay waajib tahay inuu wax ku celiyo hadba xaaladdu miisaanka ay leedahay. Sidaas awgeed, waa in ay kaga daydaan talaabadaasi ganacsatada kale ee Somaliland, waayo? Difaaca Dalku waa masuuliyad saaran muwaadin kasta mid hanti haysta iyo mid faro-madhanba. Xukuumadda Somaliland sidoo kale waa inay dadka tijaarta ah ku dhiiri-gelisaa inay buuxiyaan kaalmaha waddaniyaddeed ee muhiimka ah, taasina waxa u mari kartaa inay maamusto shakhsiyaadka is-xilqaamay, sida Biindhe oo kale.
Mar kale isaga (Biindhe) iyo Ciidankiisuba waxay mudan yihiin mahad celin balaadhan in loogu bedello sidii ay waddankooda habeen iyo maalin u difaacayeen iyaga oo aan mushahar iyo muquunno kale toona ka qaadan, taasoo ahayd waajib waddaniyaddeed oo ay ku dhiirashadeedu ku adagtahay shacabka badankiisa, iyagase ay ku riixday duruufta oo dushooda timi.