Madaxweynaha Somaliland oo qayb galay laba Xafladood oo isku-sidkan oo kala ahaa:- Xuska Maalinta Dhir-Beerista Qaranka Somaliland
Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in qorshaha xukuumadda Wadajir iyo waxqabad uu yahay in ugu yaraan saddex milyen oo geed la beero, si loo dhiiri-geliyo dhir-beerista.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in nabaad-guurka dhirta ay ka dhalato roob la’aan iyo nolol la’aan, waxaa uu intaas ku daray in dhulka Somaliland uu isu bedelay lama degaan kadib markii dhirtii la dhuxuleystay.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay ka qayb xuska maalinta dhirta Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibadan oo ah mid aad u qiimo badan, 15-ka April oo loo asteeyay maalinta dhir beerista. Hadafka xukuumadu waa in aynu beerno ugu yaraan 3 Milyan oo geed.
Waxaynu shidanaa waa dhuxul, waana dhir la shidey, qofkastana waa inuu ogaado in dhuxusha uu isticmaalayaa ay ka timid geed la soo shiday, dhir la’aanina waa roob la’aan, marka xigana waa nolol la’aan haddii roob di’iwaayo.
Meelkasta oo dhirtu ku yaraato waxaa lagu sheegaa inay tahay lama degaan, markaa dhulkeena intiisi badneyd waxa uu isu bedeley lama-dagaan”.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay dhiirigelinayaan beerista dhirta, waxaanu hoosta ka xariiqey in hadafkoodu yahay inay beeraan saddex milyen oo geed.
Waxaanu yidhi.“Waxaynu dhiirigelineynaa in aynu dhirtii dib u beerno, hadafka xukuumaduna waa in ugu yaraan in 3 Milyan oo geed ugu yaraan aynu beerno, taasi macnaheeduna uu yahay in sannadkii in aynu beerno lix boqol oo kun oo geed, wasaaradda iyo shaqaalaheeda iyo hablaha beerey ee diyaariyay saddex boqol oo kun oo geed in maanta la beero, waxa farxad ii ah in aan ka qayb qaato dhir-beerista nasiibna aan u helo geed ka mid ah saddexda boqol ee kun ee geed mid ka mid ah inaan beero”
Madaxweynuhu waxa sigaara fariin ugu direy ciidamada Qaranka iyo hay’addaha dowladda, waxaanu ku booriyey inay ka qayb qaataan ololaha dhir beerista Qaranka. Waxaanu yidhi “Dhammaan wasaaraddaha, hay’addaha madaxa bannaan iyo ciidamada waxaan ku boorrinaya inay ka qayb qaataan dhir-beerista”.