Trump ma ku qancin karaa Iran inay ka hadho barnaamijkeeda Nukliyeerka?

0
95

Donald Trump waa nin degdeg ah. Dhawrkii bilood ee uu xilka hayay, madaxweynaha Maraykanku waxa uu si deg-deg ah ugu dadaalay arrimo waa weyn, laakiin kuma uu guulaysan. Wuxuu ku guul daraystay in uu nabad ku soo dabbaalo Gaza iyo Ukraine. Yaman ayuu duqeeyey. Waxa uu bilaabay dagaal ganacsi oo caalami ah. Hadda wuxuu u soo jeestay Iran.

Arrinta Iran waxay had iyo jeer ku jirtay liiska shaqooyinka madaxweyne kasta oo Maraykan ah. Iran arrinteedu waa mid aan dhammaanayn muddadiisii ​​way sii horreysay,

way sii ahaanaysaa sideedii hore: maxaa joojin kara Iran oo doonaysa hub nukliyeer ah?

Iran way beenisaa in damaceeda Nukliyeerku u yahay mid dagaal, laakiin waxay ku doodaysaa in ay u isticmaasho horumarka. Laakiin wadamada kale waxay aaminsan in jamhuuriyada islaamiga ah ay u isticmaalayso ugu yaraan in ay awoodda in ay ku dhisto madax nukliyeer ah, taas oo dadka qaar ay ka cabsi qabaan in uu ka dhalin karo tartanka hubka ama xitaa dagaal dhan walba ah oo ka dhaca Bariga Dhexe.

2015, Iran waxay heshiis la gashay US, UK, France, Germany, Russia iyo China. Waxa loo yaqaanay (JCPOA), Qorshaha Guud ee  is fahamka iyo Waxqabad, ama (Joint comprehensive plan of action).

Sida ku cad qodobbada ay soo saartay, Iran waxay xaddidi doontaa hamigeeda nukliyeerka – waxayna u oggolaan doontaa kormeerayaasha caalamiga ah, taa beddelkeeda in laga qaado cunaqabataynta dhaqaale.

Laakiin markii Trump xilka qabtay 2018, ayuu Maraykanka ka saaray heshiiska, isaga oo ku andacoonaya in uu yahay heshiis argagixisada ku abaalmariyo in ay maalgeliso malleeshiyaadka xulafada la ah sida Xamaas iyo Hezbollah. Trump waxa uu wakhtigaa  soo celiyay cunaqabateyntii.

Iran ayaa intaa ka dib iska dhega tirtay qaar ka mid ah xayiraadihii heshiiska oo ay sii xoojisay shidaal Nukliyeer ah oo aad u badan.

Falanqeeyayaasha ayaa ka cabsi qaba in Iran ay dhawaan heli karto uranium ku filan oo hub ah si ay u sameyso madax nukliyeer ah.

Hay’adda caalamiga ah ee ilaalinta tamarta nukliyeerka (IAEA) ayaa ku qiyaastay kaydka Iran ee uranium-ka la tayeeyay  boqolkiiba 60% inay samayn karto ilaa lix bam haddii la tayeeyo heerka xiga iyo heerka ugu dambeeya.

Maalmo gudaheed markii uu xilka qabtay, Trump waxa uu dib u soo celiyay siyaasadiisii ​​hore ee waxa loogu yeedho “cadaadiska ugu badan” ee Iran.

4tii Febraayo, Trump oo la haliilaya qalinka caara dheer, waxa uu saxeexay qoraal uu ku amrayo khasnadda Maraykanka in ay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Iran iyo dalalka jebiya cunaqabataynta la saaray, gaar ahaan kuwa iibsada saliidda Iran.

Hadda Aqalka Cad ayaa doonaya inuu cadaadiska dhaqaale ee hadda dunida ka jiro bal inuu ku maareeyyo qaab diblomaasiyad ah. Bishii hore, Trump waxa uu warqad u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ali Khamenei.

Madaxwaynuhu waxa uu soo bandhigay in la bilaabo wada xaajoodka, isaga oo baadi doonaya in heshiis suura gal noqdo dhawr bilood gudahood ah.

Todobaadkii hore Saraakiil ka socota iyo Maraykan waxay wada hadal hour dhac ah ku qaateen Cummaan.

Khatarta Maraykanka ee Iran waa mid cad: waxa uu leeyahay in heshiis la gaadho ama waa in tallaabo militari laga qaado.

“Haddii wadahadallada aan lagu guuleysan Iran, waxaan qabaa in Iran ay geli doonto khatar weyn,” ayuu yidhi Trump Isniintii.

Haddaba sidee ayay Iran uga jawaabi kartaa?

Qaar ka mid ah siyaasad-dejiyeyaasha Tehraan ayaa u muuqda inay doonayaan inay ku heshiiyaan heshiis laga yaabo in cunaqabataynta laga qaado.

Dhaqaalaha Iran ayaa aad u liidata, iyada oo sicir barar cirka isku sii shareeray, isla markaana hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalaha.

Laakiin heshiis kasta oo noocaas ah waxaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho tanaasulaad qaar ka mid ah waxyaabaha adag kuwaas oo laga yaabo inay adkaato in caloosha loo sii daayo.

Iran ayaa bilihii lasoo dhaafay waxa soo food saartay isbedel weyn, iyada oo la arkayay maleeshiyaadkii gacan saarka la lahaa oo si ba’an ugu wiimay dagaalka ay kula jirto Israa’iil iyo xulafadeeda gobolka, Madaxweyne Bashaar Al-Asad ee Suuriya, oo xilka laga tuuray. Qaar ka mid ah Tehraan ayaa ku doodaya in hadda laga yaabo inay tahay waqtigii saxda ahaa ee la dhisi lahaa ka hortagga nukliyeerka.

Maraykanka iyo Iran labaduba aad bay u kala fog yihiin. Mawqifyadooda gorgortanka maaha kuwo cad.

Laakiin Maraykanku waxa uu caddeeyey inuu doonayo in si buuxda loo burburiyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, isla markaana la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamka, sidaas oo kale in aanay wax taageero dheeraad ah aanay siin Xisbullah ee Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Dhanka Israa’iil, waxay si cad u sheegtay inay aqbali doonto oo keliya in si buuxda loo joojiyo awood kasta oo Iran ah oo nukliyeer ah. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu aqbali doono “sidii lagu sameeyay Liibiya”.

Tani waxay tixraac u tahay go’aankii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi uu ku baabi’iyay dhammaan barnaamijkiisii ​​Nukliyeerka 2003-dii si looga qaado cunaqabateynta. Laakiin Iran uma badna inay raacdo tusaalahan.

Maxaa dhacaya haddii wadahadaladu fashilmaan?

Israa’iil ayaa muddo dheer ka fikiraysay ikhtiyaarrada milatari si ay isugu daydo in ay burburiso awoodda nukliyeerka Iran. Laakiin qaar badan ayaa ku aasan godad dhulka hoostiisa ah.

Falanqeeyayaasha militariga ayaa sheegaya in Israel aanay u baahneyn kaliya caawinta Maraykanka si ay u duqeyso Iran, waxay sidoo kale u baahan tahay ciidamo gaar ah oo goobta jooga si ay u dammaanad qaadaan burburinta xarumaha nukliyeerka.

Tani waxay la macno tahay in talaabada ciidanku ay noqon doonto mid khatar ah, guusheedana aan sinaba loo damaanad qaadin.

Trump ma wadi doonaa colaad weligeed ah isaga oo Israa’iil ilaalinaya iyo sidaas oo kale inuu Hub ku sii wado Bariga dhexe. Marka, hadda, Trump wuxuu u muuqdaa inuu raadinayo xal diblumaasiyadeed. Dhanka kale, madaxweynaha ayaa u oggolaanaya labada dhinac inay ku heshiiyaan heshiis laba bilood ah. Waxa laga yaabaa inuu illoobay inay ku qaadatay gorgortamayaasha laba sano inay ku heshiiyaan JCPOA. Diblomaasiyada degdega ah had iyo jeer ma aha diblomaasiyad guulaysata.