Xoghayaha Dawlada Hooe ee Caynaba oo Xukuumadda uga Mah-naqay Qaramaynta Ciidanka Madaniga

0
96

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Caynaba (Dawan):- Xoghayaaha dawladda hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamed Muuse, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyay ciidamada madaniga ah ee la qaramaeeyay. Waxaanu intaa ku daray in markii la qarameeyay ay noqdeen ciidan qaran oo dalku leeyahay, Isla markaana yeesheen xuquuq kasta oo ay leeyihiin cidanka qaranka Somaliland.

Xoghayaaha dawladda hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamed Muuse, waxa kale oo uu tilmaamay ciidanka madaniga ah ee gobolka Saraan in deegaanka gobolka Saraar iyo dawladda hoose ee degmada Caynaba ba ay culays ku hayeen oo ay ahayaaneen ciidan baaxd leh oo dul saaran bulshada iyo degmada.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Caynaba waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Xoghaye Cumar oo ka hadlayay ciidanamada madaniga ah ee la qarameeyay ayaa yidhi “Marka hore ciidamada madaniga ah ee la qarameeyay waa guul Somaliland oo dhan u soo hoyatay oo dalka u soo korodhay, waana wax lagu faano in ciidamada madaniga ah la qarameeyo oo ay ka mid noqdaan Ciidanka qaranka Somaliland”

Xoghaye Cumar oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray ”Xukuumadda Somaliland waxaan uga mahad naqayaa qaramaynta ay ciidamda madaniga ah naga qaramaysay, waxaanay ahaayeen culays wayn oo guud ahaan gobolka Saraar iyo ka degmada Caynaba ba saaran oo hadday shidaal tahay, hadday raashin tahay iyo hadday biyo tahayba waxaa uu ahaa culays aad u wayn oo aan la qiyaasi karin oo na saaran, laakiin maanta culayskaasi wuu naga degay, waxaana naga dulqaaday Xukuumadda Somaliland oo annaga oo keliya maaha e dhammaan gobolkada iyo deegaamada laga soo qarameeyay oo dhan culaska na saaran ayaa iyagana saarnaa, mar labaad ayaanan uga mahad celiyanaa culasykaa ay deegaanada iyo degmooyinka ba ka furatay Xukuumadda Somaliland.”