Xukuumadda oo Shacabka ugu Baaqay in ay u Sare-kacaan Weynaynta Xuska 18-ka May

0
134

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Gudiga qaban qaabada iyo agaasinka xuska maalinta qaran ee 18-ka May ee sannadkan 2025 ee uu dhawaan magacaabay Madaxwaynaha Somaliland Jamhuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro ayaa shir jaraa’id oo ay magaalada Haragaysa ku yeesheen waxay kaga hadleen sida ay u socoto hawsha qaban qaabada iyo u diyaar garawga sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland taasi oo ku beegnayd 18kii May 1991kii.

Kulankan ayaa lagu sheegay in dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka ay si hamsami leh uga socoto u diyaar garwga iyo qaban qaabada xuska 18ka may waxanay gudigu dhamaan shacabka reer Somaliland ugu baaqeen in ay weyneeyaan xuska maalinta qaran ee 18ka may, si dhamaanteen aanu muujino qiimaha ay inagu leedahay maalintani.

Guddigu waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inta lagu jiro dabaal dagga xuska 18ka May ilaalinta nabad galyada, ilsa markaana ay u sara-kacaan waynaynta maalintan qaran oo ay calanka kor u qaadaan qarannimadana adkeeyaan.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga ahna Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada iyo isku dubaridka maalinta qaran ee xuska 18ka May Cabdale Maxamed Carab Sandheere oo halkaasi ka hadlay  ayaa waxa uu yidhi “Hadaanu gudiga nahay hawshii waanu guda galay haday tahay degmooyinka iyo haday tahay goboladaba, sida caadada ah masuuliyada gobolada waxa qaada gudoomiyayaasha gobolada iyo maayerada degmooyinka”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay u sara-kacaan maalinta qaranka Somaliland ee 18-ka May, waxaanu yidhi “Waxanu halkan ka iclaaminaynaa xuska sanad guurada 34aad eek a soo wareegtay markii aynu dib u yagleelay JSL kuna dhawaaqnay madax banaanideena 18kii may, shacabka Somaliland dhamaan meel uu joogaba gudo iyo dibad  waxan ugu baaqaynaa in ay u sarakacaan, calanka kor u qaadaan, xuska wayneeyaan, qaranimada adkeeyaan, xuska aynu xusayno 18ka may waxa uu muujinayaa sida ay qaranimadeenu inooga go,an tahay”.