“Bulshada Wada-jirkeeda iyo Midnimadeedu Waa Tiir-dhaxaad aanay…”

0
95

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in uu ku faraxsan-yahay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay soo bandhigto waxqabadkii boqolka cisho ee ugu horreeyay.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu qabtay Madaxtooyadda oo lagu soo bandhigay wax qabadkii boqolka cisho ee ugu horeeyay muddo xileedka Xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in xukuumadeydii la magac-baxday Wadajir iyo Waxqabad ay soo bandhigto waxqabadkii boqol cisho, waxa laynaga sugayo ayaana ka badan. wakhtigii shaqada ayaynu joognaa, wakhtigii hadalka waynu ka nimid. shaqadaa dadaalkeedii ayaa laynaga doonayaa, marwalba inta dhiman ayaynu eegaynaa anaguna xisbi ahaan garabkiina ayaanu taaganahay. waxaanan marwalba idinku baraarujinayaa wixii aynu balanqaadnay”.

Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in Midnimada tiir dhexaad u tahay wadajirka bulshada. Waxaana uu yidhi “Bulshada Wadajirkeeda iyo Midnimadeeda waa tiir dhaxaad oo aanay suurta gal-ahayn,hadaan bulshada la midayn in qaranka la difaaci karo. waxaana aynu ku xaqiijin karnaa wadajir iyo in gacmaha aynu is qabsano oo wixii inaga maqan baadi doono, wixii inaga qaldana aynu saxno, hadii aanay wadajirku iman suurtagal maaha in aynu dhaqaalaha kobcino. waxa aan leeyahay dhamaanteen taas ayaa laynaga doonayaa”.