Todobaadkan barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan xubinta koowaad waxa aynu kaga hadlaynaa muwduuc aad u xiiso badan, kaasi oo aanay dad badani wax ka fahamsanayn.
Waxa aynu ku dul istaagi doonaa Dhukayga Dhagaha, waxayaabaha uu taro iyo sidoo kale maxaa saamayn ah ee uu yeelan karo haddii Dhagta laga saaro.
Sidoo kale waxa aynu aad uga warami doonaa faaโiidooyinka uu Dhukaygu u leehaya Dhagaha dadka iyo waxa ay kala yihiin
Haddaba Dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.
Dhegta qeybteeda dibadda wuxuu Alle ku abuuray qanjidho sameeyo dhukayga, markii la sameeyo kadib, wuxuu u dhaadhacaa gudaha.
Dhukayga wuxuu leeyahay faaโidooyin badan oo ay ka mid tahay:
- Wuxuu qooyaa dhegta, kana ilaaliyaa qallaylka iyo cuncunka.
- Dhukayga waxaa ku jiro maaddo jeermiska kala dagaallanto in dhagaha wax gaarsiiso.
- Dhukayga wuxuu xuubka maqalka ka ilaaliyaa inuu dhaawac gaaro oo si fudud wax kuma gaari karaan.
- Haddii boor, cayayaan ama wasakh dhegta gasho, dhukayga ayaa ka hor istaaga inay gudaha u gasho, oo wuxuu u shaqeeyaa sida wasakh celin oo kale.
Badanaa qofka uma baahno inuu dhagahiisa ka soo saaro dhukayga khaasatan hadduusan dhib ku haynin, weliba caruurta dhagaha looma nadiifiyo illaa inuu dhakhtar ku taliyo mooyee.
Waxyaabaha keeno in dhegta la nadiifiyo waxaa ka mid ah: in dhukayga uu dhegta owday oo maqalka yaraaday.
Waa muhiim in laga fogaado in dhagaha la qoryeeyo maadaama dhaawac gaari karo xuubka maqalka oo hadduu dilaaco halis noqon karto.
ย