Qaraxyo Waaweyn oo ka Dhacay Bakhaar Rasaasta ah oo ku Yaalabay Bariga Moscow ah

0
136

Qaraxyo ayaa ka dhacay bakhaar lagu kaydiyo rasaasta Ruushka oo ku taal bariga magaalada Moscow, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bakhaar rasaas ah oo ku yaal xarun difaac oo ku taal galbeedka gobolka Vladimir Salaasadii. Goobtan ayaa la rumeysan yahay inay tahay goobta ugu muhiimsan ee lagu keydiyo rasaasta ciidamada Ruushka.

Milateriga Ruushka ayaa qaraxa ku eedeeyay in uu ka dhashay rasaas ka dib markii dhismaha bakhaarka uu dab qabsaday sababo la xidhiidha “ku xadgudubka shuruudaha ammaanka”.

Xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay degmada Kirzhach waxaana laga saaray dadkii ku noolaa tuulooyinka ku dhow dhow.

Labada channels ee warbaahinta Ruushka iyo Ukraine iyo xisaabaadka Telegram ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday goobta, kuwaas oo muujinaya dab aad u xoogan oo uu ka socdo olol aad u sarreeya iyo daruuro madow oo ka dhashay qaraxa.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa lagu yidhi: “Maalintii Salaasadii, iyada oo ay ka dhalatay dab ka kacay dhulka cutub ka tirsan milatariga ee gobolka Vladimir, rasaas lagu kaydiyay bakhaar ayaa la qarxiyay.

“Sababta dabka ayaa ah ku xadgudubka shuruudaha badbaadada marka lagu shaqeynayo walxaha qarxa.”

Waxay intaas ku dartay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Warku waxa intaa ku daray in guddi loo saaray dhacdadan.

Goobtu waa tas-hiilaad ku taal 51-aad ee hubka hoggaanka gantaallada iyo madaafiicda, oo qiyaastii 130 kiiloomitir (80 mayl) waqooyi-bari ka xigta caasimadda Ruushka, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warantay in mid ka mid ah dadka degan tuulo ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay uu arkay madfac ka soo baxay bakhaarka oo ku dhacay guri ay daris ahaayeen. Madaafiicda ayaan qarxin, mana jirin cid guriga ku sugneyd xiligaas, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Tass.

Guddoomiyaha gobolka Vladamir ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay degmadaas, faah faahinna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Alexander Avdeyev ayaa sidoo kale ugu hanjabay saxafiyiinta iyo dadka deegaanka ganaax lacageed hadii ay la wadaagaan macluumaadka aan rasmiga ahayn ee qaraxa.