Imaanshaha Trump oo isu dhoweeyey Koonfur Afrika iyo Ukraine

0
134

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo gabagabeeyay booqasho taariikhi ah oo uu ku joogay dalka Koonfur Afrika, taasi oo muujineysa inuu horumar weyn ka sameeyay xidhiidhka labada dal oo mar xumaaday.

Booqashadan ayaa hogaamiyaha Ukraine u astaysay horumar dublamaasiyadeed oo uu ku dadaalayo sidii uu uga hortagi lahaa saamaynta xooggan ee Ruushku ku leeyahay Afrika.

“Waan hubaa in Ruushka uu ka xanaaqi doono booqashada, laakiin uma maleynayo inay wax badan ka qaban karto,” ayuu yidhi Steven Gruzd oo ka tirsan Machadka Xidhiidhka Caalamiga ah ee Koonfur Afrika.

Balse Ruushka ayaa carqaladeeyay booqashadii Zelensky kadib markii uu weerar dhanka cirka ah ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, taas oo ku qasabtay inuu ku dhawaaqo inuu soo gaabin doono safarka kadib markii uu la kulmay madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Hoggaamiyaha Koonfur Afrika ayaa sheegay in booqashadu ay dib u xaqiijisay xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, isaga oo tilmaamay in booqashada Zelensky ay tahay tii ugu horreysay muddo 33 sano ah oo uu ku tago madax ka tirsan Ukraine.

Marka laga reebo safar gaaban oo uu ku tagay Cape Verde 2023 isaga oo u duulaya Argentina, tani waxay sidoo kale ahayd booqashadii ugu horreysay ee Zelensky ee Afrika tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Ukraine 2019.

Ukraine waxay fahantay muhiimada diblumaasiyadeed ee wadamada Afrika, markii qaar badan oo iyaga ka mid ah – oo ay ku jirto awooda gobolka ee Koonfur Afrika – ay diideen inay cambaareeyaan duulaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday dhulkooda sanadka 2022.

“Ukrayn way dayacday qaaradda marka la eego siyaasadda arrimaha dibadda, balse taasi way beddeshay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxayna laba jibaartay safaaradaheeda 10 ilaa 20,” ayuu Mr Gruzd u sheegay BBC.

Laakiin waxay ku taal meel aad u cidhiidhi ah – Ruushka, Shiinaha, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhamaantood isku dayaya inay kordhiyaan saamaynta ay ku leeyihiin Afrika.”

Booqashada Zelensky ee Koonfur Afrika wakhtigan ayaa si gaar ah muhiimad gaar ah u leh, iyada oo xidhiidhka Ukraine iyo Maraykanka – oo ah kan ugu weyn ee hubka keena – uu xumaaday tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Wuxuu si kooban u hakiyay gargaarkii milatariga, wuxuuna Zelenksy ku cambaareeyay inuu yahay “kaligii taliye”, wuxuuna Ukraine ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay dagaalka.

“Ukrayn waxay u baahan tahay sharci kasta oo ay ku heli karto si caalami ah – ma aha Yurub oo keliya. Dagaallada laguma guulaysto oo keliya goobaha dagaalka, laakiin sidoo kale maxkamadaha ra’yiga dadweynaha ee adduunka,” ayuu yiri Prof Siphamandla Zondi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Jaamacadda Johannesburg.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, booqashadu waxay si la mid ah u ahayd mid muhiim ah, iyada oo dalkiisa uu sidoo kale cadaadis xooggan kala kulmayay maamulka Trump.

“Trump waxa uu bedelay dublamaasiyad,” ayuu yidhi Mr Gruzd, isaga oo raaciyay: “Qof walba waxa uu hadda raadinayaa saaxiibo cusub.”

Ramaphosa waxa uu u arkay booqashada Zelensky isku day uu ku doonayo in uu kor ugu qaado aqoonsigiisa nabadeed, isaga oo sheegay in wadahadalladoodu ay diiradda saareen dadaallada lagu gaarayo “nabad dhammaystiran”.

Hogaamiyaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale la hadlay Putin ka hor booqashada Zelensky.

“Labadaba waxaanu xaqiijinay xidhiidhka adag ee laba geesoodka ah ee u dhexeeya dalalkayaga,” Ramaphosa ayaa ku yidhi qoraal uu soo dhigay X.