Wasaaradda waxbarashada oo la Shirtey Maamulayaasha Dugsiyada sarre dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay

0
126

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Madaxda wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta Somaliland, ayaa la shirey maamulayaasha dugsiyada sarre dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa magaalada Hargeysa lagu qabtay shir lagu gorfanayey hawlaha tayeynta waxbarashada, u diyaar-garowga imtixaanaadka qaranka, iyo fulinta halbeegyada kormeerka ee barayaasha, kaas oo ay ka soo qayb galeen maamulayaasha dugsiyada sarre ee dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay .

Shirkan waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Mudane Ismaaciil Ducaale Yuusuf, waxaanu sheegay in ay mihiim tahay in mudnaanta kowaad la siiyo tayeynta waxbarashada, imtixaanaadka qaranka, kor u qaadista wacyiga ardayda, iyo taageerada ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ee goobaha waxbarashada ku sugan.

Wasiirku waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay maamulayaasha sare ee dugsiyada ku sugan gobollada dalka, isagoo xusay in shaqada waaxda dugsiyada sare ay tahay mid muhiim ah taagerina hawlaha dugsiyadda sare, isla markaana ay qayb wayn ka qadaynso tayada waxbarashada dugsiyadda sare.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xog ururinta macallimiinta dalka la dhamaystiri doono iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah, waxaan u maamulayaasha ku dhiirrigeliyay in ay si buuxda u fuliyaan qorshayaasha wasaaradda.

Gaba-gabadii shirkan agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, oo hadal kooban ka jeediyay ayaa farey maamulayaasha dugsiyada sarre ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in xil wey la iska saaro tayeynta adeeg-bixinta waxbarashada