Wasiirka Caafimaadka JSL oo Xadhigga ka jaray Xarun Caafimaad oo Laga Hirgaliyey Deegaanka Jaleelo

0
80

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo masuuliyiin kale, ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Jaleelo.

Weftiga uu hogaaminayao Wasiirka Caafimaadku ayaa intii ay kormeerka ku jireen waxay si wada jir ah xadhiga uga jareen, Xarun Caafimaad oo cusub taasi oo loogu talagalay in bulshada deegaanka Jaleelo ay ka helaan adeegyo caafimaad.

Wasiirka ayaa waxa uu balanqaaday in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku u keeni doonto xaruntaasi gaadhi gurmad degdeg ah si kor loogu qaado adeegyada badbaadinta nafta ee bulshada deegaanka jaleelo.

Wasiirka iyo masuuliyiintii la socotay ayaa kormeer ku tagay tuulada Xunboweyne, halkaas oo ay soo indha-indheeyeen Xarunta Caafimaadka ee tuulada. Geesta kale Wasiirka ayaa kulan la qaatay shaqaalaha caafimaadka ee xaruntaasi, isaga oo balan qaaday in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku xoogga saari doonto horumarinta adeegyada caafimaadka ee deegaanka Xunboweyne iyo guud ahaanba gobollada dalka.

Geesta kale kale, Wasiirku waxa uu balanqaaday in dib-u-habayn iyo casriyayn lagu samayn doono xarunta caafimaad ee MCH-ka Xunboweyne, iyo in shaqaalaha caafimaadka ee haatan ka shaqeeya, balse aan ku jirin diwaanka haayada shaqaalaha dowladda isla markaana aan qaadan mushaar joogta ah ee ay qaataan shaqaalaha rasmiga ah ee dawlada, la qorsheyn doono in si rasmi ah loogu daro liiska shaqaalaha dowladda.

Gabagabadii Wasiirka Xanaanada xoolaha Mudana Cumar Shucayb iyo masuuliyiinta deegaanka Jaleelo ka soo jeeda ayaa balan qaaday dhankooda inay iyaguna ku caawin doonaaan agab caafimaad oo loogu talo-galay inay qayb ka qaataan dadaalada lagu horumarinayo adeega Caafimaadka.