Ha Isku Halayn Nasiibka, Guushu Waa Dadaaalka!

0
76

Nin beeraley ah oo caajis ah oo aad u necbaaq shaqada, ayaa geed weyn oo hadhac ah oo ku yaallay hoos seexan jiray. ย Maalin isagoo geedka hoostiisa ku nasanaya ayuu arkay dawaco bakayle eryanaysa Isla markiiba, Bakaylihii ayaa madaxa ku dhuftay jirridda geedka, waxaana sooo gaadhay dhaawac culus.

Ninkii beeralayda ahaa ayaa isla markiiba soo qaaday bakaylkii dhaawac ahaa, isagoo ka cadhaysan dawacadii ka tagtay, oo gurigiisii geeyey, bakaylihiina wuu gowracay, casho macaanna wuu ka soo samaystay, maalintii dambena waxa uu haraggii โ€‹โ€‹ka iibiyey suuqa, dakhli fiican waa ka helay

Ninkii ayaa aad u aaminay in haddii uu maalin kasta helo Bakayle uuka rasanayo dhibaatada iyo shaqada badan ee beerta.

Haddaba maalintii dambe ayuu ninkii beeralayda ahaa tegay isla geedkii oo hoos jiifsaday, isagoo sugaya inuu bakayle kale oo Dawaco eryaynayso ku dhufto madaxa geedka.

Maalintaasi โ€‹โ€‹wuxuu arkay dhowr bakayle, laakiin midkoodna kuma dhicin geedka, runtii waxa ku dhacay Bakaylaha hore maalintaasi waxa ay ahayd shil dhif ahoo marmar dhaca. Laakiin haddana waxa uu is yidhi, “Maya, ha ka werwerin, weli waxaad haystaa fursad kale berri!”

Arrintu waxay socotay dhawr maalmood, toddobaadyo iyo bilo, waxaan uu dayacay beertiisii โ€‹โ€‹oo shaqadeedii iska daayay isagoo geedka hoos jiifsaday oo sugayay inuu bakayle shil geedka uu madaxa ku dhufto dhaco.

Taasi waxay keentay in uu beerta ku baxo haramaha, dalaggii oo xumaaday, ugu dambayntiina ay qoskiisu gaajo ku habsato. Maxaa yeelay, wax ay cunaan muu helin, bakaylena madaxa kama dhufan geedkii.

Xikmadduna waa:ย  โ€œ Ha ku lumin wakhtigaaga inaad sugto fursado wanaagsan oo aad ku garaacdo albaabka guusha. Ha siin noloshaada nasiib adigoon ku dadaalin inaad guul gaadhoโ€

 

ย