Sanduuqyo ay ka Buuxaan Dukumentiyadii Naziga oo laga Helay Maxkamadda Argentina ah

0
123

Sanduuqyo ay ku jiraan dukumeenti laga soo qaatay Nazigii Germany ayaa dib looga helay qeybta hoose ee maxkamada sare ee dalka Argentina.
Helitaankan oo aan caadi ahayn ayaa dhacay wakhti ay shaqaaluhu nadiifinayeen isla markaana kala gurayeen qaybta hoose ee dhismaha maxkamada waxaana la doonayey in kaydka diiwaanka loo raro matxaf cusub oo la sameeyay.
Dukumeentiyada waxaa soo dirtay safaaradda Jarmalku ku leeyahay Tokyo waxayna soo gaadheen Argentina 20kii Juun 1941kii iyaga oo ku dhex jira 83 sanduuqyo loox ah oo kuwa diblumaasiyiinta ah (Diplomatic pouches) waxaana ay saaraayeen markabka Japan, sida lagu sheegay xog ay ururiyeen saraakiisha maxkamaddu.
Isla sanadkaa ay soo galeen ayaa la geeyey maxkamada sare ka dib markii qabteen saraakiisha kastamka Argentina, kuwaas oo shan sanduuq furay waxaana ay ka heleen agab dacaayad Nazi ah.
Todobaadkii la soo dhaafay waxa dib u helay shaqaale nadiifinayey isla markaana kala saarayey sanduuqo duug ah oo lagu guray. Iyaga looma socon laakiin sanduuqyo ay fureen ayey si lama filaan ah uga heleen.
Qof u hadlay Maxkamada ayaa yidhi “Markii aanu furnay mid ka mid ah sanduuqyada, waxaanu ku aragnay waxyaabo loogu talagalay in lagu xoojiyo oo lagu faafiyo fikraddihii Adolf Hitler oo Argentina loogu talo galay intii lagu jiray [Dagaalkii Labaad ee Adduunka],”.
Sanduuqyada ayaa si degdeg ah loogu raray xafiis ammaan ah oo ku yaal dhismaha waxaana saraakiisha maxkamaddu ay ku wargaliyeen Matxafka Holocaust ee Buenos Aires jiritaankooda waxayna waydiisteen inay ka caawiyaan kaydinta agabka dhammaan iyo waxa ku jira.
Sawirada ay daabacday maxkamada ayaa muujinaya khubarada oo kala shaandheynaya sawirada madowga iyo caddaanka ah iyo buugaagta.
Taariikhyahanadu waxay rajeynayaan in dukumentiyada ay keeni doonaan tilmaamo shabakadaha maaliyadeed ee Nazis iyo xidhidhkooda caalamiga ah.
War qoraal ah oo ay soo saartay maxkamada sare ee Argentina ayaa shaaca ka qaaday in xogta lagu guulaysatay si wada jir ah loo ururinayo. Waxay sheegtay in dukumeentiyada, oo ku yimid Argentina iyaga oo saaran markabka Nan-a-Maru oo ka yimid Tokyo bishii Juun 1941.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Kastamka Argentine ayaa ka shakiyay baaxadda shixnadda, waxayna ku wargeliyeen wasiirka arrimaha dibadda ee Argentine, iyaga oo ka baqaya in ay ku jiraan waxyaabo khatar gelin kara mawqifkii dhexdhexaadnimada Argentina ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka wakhtigaas. Waxa kale oo laga yaabay sida safaaradda Jarmalka ee Buenos Aires ee wakhtigaa ay u shaqaynaysay.
Safaaraddii Jarmalka ee Buenos Aires markii laga qabtay alaabada waxay codsatay in alaabada dib loogu celiyo safaaraddii Jarmalku ku lahayd Tokyo -halkaas oo markii hore laga soo diray -laakiin garsoore Arjantiin ah ayaa bishii Sebtembar 1941-kii amray in dhammaan 83-ka shandadood la qabto.
Kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, Argentina – oo uu hogaaminayay Juan Perón – waxay noqotay meel ay gabaad ka dhigtaan tiro Naasiyiyiin sare sare, oo ay ku jiraan Adolf Eichmann iyo Josef Mengele.
Sannadkii 2000, Madaxweyne Fernando de la Rúa waxa uu si rasmi ah raaligelin uga bixiyay doorkii uu waddankiisu ka qaatay ilaalinta dembiilayaasha dagaalka Nazi.