Ukraine oo Sheegtay in ay Heshay Shabakad Hungary ah oo Basaasid ka Waday Dalkeeda

0
148

 

Ukraine ayaa sheegtay in ay heshay shabakad basaasid ah oo ka socota dowladda Hungary taas oo xog sir ah ka raadinaysa xadka ay wadaagaanUkriane iyo Hungary.

Laamaha ammaanka ee dalka Ukraine ayaa sheegay in ay xidheen laba nin oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen basaasiin u dhashay dalka Hungary, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay sirdoon uruurinayeen.

“Markii ugu horeysay taariikhda Ukraine, Adeegga Amnigu waxa uu kashifay shabakad sirdoon oo milatariga Hungary ah oo waday hawlo basaasnimo ah oo wax u dhimaya qarankeena,” ayaa lagu yidhi war ay soo saartay hay’ada sirdoonka Ukriane eeSBU.

Wasiirka arrimaha dibadda Hungary Peter Szijjarto ayaa sheegay in eedeymaha ay ula dhaqmayaan sidii dacaayad oo kale ilaa inta ay ka helayaan faahfaahin ah ama macluumaad rasmi ah.

Isaga oo ka hadlayay telefishanka Hungarian ATV, wuxuu yidhi in “dacaayadaha ka-dhanka Hungarian ay inta badan waxa ka shaqeeya Ukraine … taas oo inta badan u soo baxda in aan sal lahayn”.

Si toos ah umuu diidin eedeymaha balse Jimcihii, Szijjarto waxa uu sheegay in iyaguna ay laba diblumaasiyiin Ukraine ah ay ka eryeen Budapest.

Hungary waxay xubin ka tahay Midowga Yurub iyo Nato – oo labaduba ah xulafo adag oo Ukraine ah – laakiin madaxweynaha Viktor Orban ayaa marar badan la saftay Ruushka tan iyo markii uu galay Ukraine.

Shabakadda basaasnimada lagu eedeeyay waxaa aasaasay sirdoonka militariga Hungary ujeeddadeeduna tahay in la ururiyo xogta ku saabsan goobta iyo tirada nidaamyada difaaca hawada, iyo sidoo kale saraakiisha fulinta sharciga iyo baabuurtooda, gobolka galbeedka Zakarpattia, sida ay sheegtay SBU. Zakarpattia waa gobolka galbeedka Ukraine oo xuduud dhan 84-mile (137km) la wadaaga Hungary.

Basaasiinta ayaa sidoo kale ururinayey macluumaadka dareenka dadweynaha ee dadka deegaanka si ay u saadaaliyaan jawaabta ay ka bixin doonaan haddii uu dhaco duulaan Hungari qaado, sida ay sheegtay SBU.

SBU ma aanay bixin wax calaamad ah in shirqoolka lagu eedeeyay uu ahaa mid lagu caawinayo Ruushka.

Labada qof ee Ukriane qabtay oo ah haweeneyda iyo nin, ayaa SBU ku tilmaantay “khaa’imiin” – waxay horay uga tirsanaan jireen militariga Ukraine waxaana kormeeri jiray sarkaal sirdoon ah oo u dhashay Hungary.

SBU waxay sheegtay in ninka la tuhunsan yahay uu ka soo gudbay xudduudda Hungary, waxaana laga helay lacag iyo qalab isgaadhsiin. SBU ma aanay faahfaahin sida shabakada la sheegay loo helay.

Dadka lagu eedeeyay basaasnimada ayaa lagu xidhay guryahooda, sida ay ku warantay wakaalada wararka Ukraine ee Interfax, waxaana baadhitaan lagu sameeyay taleefoono iyo cadeymo kale oo muujinayay in ay basaasiin ahaayeen.

Xidhiidhka Hungary iyo Ukrain ayaa xumaaday tan iyo markii Ruushka uu duulaanka buuxa ku qaaday in ka badan seddex sano ka hor.

Orban ayaa isku dayay in uu hor istaago xidhmooyinka gargaar ah oo Midowga Yurub uu siiyo Ukraine, waxa uu ka soo horjeestay cunaqabateynta saliida iyo gaaska Ruushka, waxa uuna ka dhawaajiyay in uu ka soo horjeedo in Ukraine ay ku biirto Midowga Yurub.

Hungary waxay xubin ka ahayd Nato, isbahaysiga difaaca transatlantic, tan iyo 1999. Laakiin tan iyo markii Orban uu u kacay awooda hogaamiye kalitalis ah, siyaasadiisu waxay inta badan khilaafsanayd reer galbeedka.

Ku dhawaad 150,000 oo Hungaryiyiin ah ayaa ku nool gobolka Zakarpattia ee Ukraine, marka loo eego tira koobkii ugu dambeeyay ee rasmiga ah, oo la qaaday 2001.

Ukrain iyo Hungry ayaa isku dhacey wakhti hore oo ku saabsan xuquuqda bulshadan si ay u isticmaalaan afkooda hooyo.