Gambia: Hanti lagala wareegay hogamiyihii hore Gambia oo si hoose loo iibsaday

0
145

Dowladda Gambia ayaa ku dhawaaqday baadhitaan ku aadan iibinta hantidii lagala wareegay madaxweynihii hore ee dalkaasi Yahya Jammeh, kadib walaac ballaadhan oo shacabka dalkaasi ay muujiyeen.

Qaar ka mid ah hantidaas oo ay ku jiraan xoolo iyo gawaadhi nooca raaxada ah ayaa la iibiyay iyada oo weli ay guddi baadhitaan ku hayaan hantidii Jammeh uu urursaday 22-kii sano ee uu xukunka hayay.

Baadhitaan uu sameeyay wargeysku waxa uu soo bandhigay khaladaad la sheegay in la sameeyay iyo hufnaan la’aan ka jirta iibka hantida, taas oo dhalisay mudaaharaad ay soo abaabuleen dhalinyaro.

Khudbad laga sii daayay telefishinka habeenkii Arbacadii, ayuu madaxweyne Adama Barrow ku ballanqaaday “daah-furnaan buuxda” oo baadhitaan ah, isaga oo sheegay in hantida la helay ee madaxweynihii hore ay leeyihiin dadku.

Jammeh, oo xukunka ku qabsaday afgambi sannadkii 1994-kii, ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay xatooyo ballaadhan oo loo geystay dhaqaalaha dowladda, iyo sidoo kale xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dil iyo xadhig uu u geystay dadkii dhaleeceeyay.

Hogaamiyihii hore oo sanadii 2017 musaafuris ugu baxay dalka Equatorial Guinea kadib markii looga adkaaday doorashadii dalkaasi ka dhacday, ayaa horey u beeniyay eedeymo loo soo jeediyay.

Sannadkii 2017-kii, madaxweyne Barrow ayaa guddi u saaray baadhitaanka musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marin maaliyadeed ee Jammeh uu ku kacay labaatankii sano ee uu xukunka hayay.

Guddigan oo caan ku ah komishanka Janneh ayaa soo gabagabeeyey natiijooyinkooda sanadka 2019 waxayna ku taliyeen in lala wareego hantida ku xidhan Jammeh iyo asxaabtiisa.

Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday in Jammeh uu xaday ugu yaraan $360m oo u dhiganta (£270m) isla markaana uu lacag qaali ah ku bixiyay gaadiid, diyaarado iyo hanti ma guurto ah oo qaali ah.

Wali kama hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse taageerayaashiisa Gambia ayaa ku gacan seydhay natiijada ka dhanka ah iyaga oo ku tilmaamay ku xumayn siyaasadeed.

Xoolaha Jammeh – oo ay ku jiraan lo’, adhi ido iyo riyo ah, – cagaf-cagafyo beeralay ah, baabuur, iyo waxyaabo kale oo qiimo leh ayaa ka mid ah hantida uu u qoondeeyay in uu gacanta ku dhigo.

2019, Madaxweyne Barrow waxa uu u fasaxay guddi hawleed heer wasiir ah in ay kormeeraan soo celinta hantida, iyadoo warbixin joogto ah lagu sameeyo golaha wasiirrada.

Laakiin warbixin baadhiseed oo uu daabacay wargeyska maxaliga ah ee Republican  horaantii bishan ayaa ku eedaysay madaxda sare ee dawlada inay hantidaas iyaga naftoodu iibsadeen, qaarna saaxiibadooda iyo qoyskooda qiimo ka hooseeya suuqa kaga iibiyeen.

Warbixintu waxa ay aad ugu baahday baraha bulshada, taas oo keentay mudaaharaadyo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Banjul, halkaas oo tobanaan qof oo ay ku jiraan saxafiyiin la xidhay, balse markii dambe la sii daayay.

Ka dib cadaadiskii dadweynaha, dawladdu waxay daabacday liis faahfaahsan oo ku saabsan hantidii hore loo iibiyey, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah baabuurta raaxada ee Jammeh, xoolo nool, doonyo, qalabka dhismaha, alaabta guriga, dhul ah iyo mashiinnada beeraha culus.

Liistada dheer waxay muujisay iibsadaha, qiimaha iyo taariikhda iibka.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah baabuurta raaxada ee Jammeh sida Rolls Royce iyo Bentley ee la habeeyey ayaan liiska ku jirin.

Baadhitaankeeda, waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Jammeh uu helay ugu yaraan 281 guri mudadii uu xafiiska joogay uuna ku shaqeyn jiray in ka badan 100 akoon oo bangi oo gaar loo leeyahay.