Faransiiska ayaa dhisi doona xabsi cusub oo si weyn oo laga dhisi doono meel ka baxsan dhulkiisa kaas oo lagu xidhi doono dadka Daroogada ka ganacsada iyo wax ay ugu yeedheen Islaamiinta xagjirka ah, sidaana waxa sheegay wasiirka cadaalada ee dalkaa. Wasiirka cadaalada Gérald Darmanin oo u waramayey wargeyska Le Journal du Dimanche (JDD), waxa uu sheegay in xabsiga laga dhisi doono Jasiirada French Guiana waxaana uu sidaa ku dhawaaqay isaga oo booqasho uu ku tagay dhulkaas Axadii iyo Isniintii.
Waxa uu intaa ku daray in xabsiga uu beegsan doono dambiyada abaabulan “heer kasta” iyo kuwa xidhiidhiya ganacsiga daroogada.
Xaruntan oo leh adeegii maxaabiista waxay ku kici doontaa €400m (£337m) Million, waxaana ay furmi karta horaanta sanadka 2028, waxa laga dhisi doonaa dhulka go’doon ah ee qotada dheer oo ka mid ah hawdka Amazon ee gobolka waqooyi-galbeed ee Saint-Laurent-du-Maroni.
Qorshahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii ay dhaceen rabshado isdaba joog ah oo lala xidhiidhinayo kooxo dambiilayaal ah kuwaas oo bilihii la soo dhaafay lagu beegsanayey xabsiyo iyo shaqaalaha xabsiyada, waxaana rabshadahan lagu bartilmaameedsaday guud ahaan dalka Faransiiska .
Xabsiga ayaa qaadi doona ilaa 500 oo qof, oo leh qolal kala gaar- gaar ah oo loogu talagalay in lagu xidho dambiilayaasha ugu halista badan.
Wareysi uu siiyay JDD, ayuu wasiirku ku sheegay in xabsiga cusub lagu maamuli doono “nidaamka halista ah ee “Carceral” oo loogu talagalay in lagu “xakameeyo kuwa ugu khatarta badan ee daroogada ka ganacsada”.
Darmanin waxa uu sheegay in xaruntan loo isticmaali doono in lagu xidho dadka “bilowga ku ah jidka maandooriyaha”, iyo sidoo kale madaxda shabakadaha ka ganacsiga daroogada” waxaana uu horseed u noqon doonaa hab waara oo meesha lagaga saaro isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada ee dhul weynaha Faransiiska.
French Guiana waa dhul ka mid ah Faransiiska oo ku yaal xeebta waqooyi-bari ee Koonfurta Ameerika. Dadkeedu waxay xaq u leeyihiin inay ka codeeyaan doorashooyinka Faransiiska waxayna heli karaan nidaamka badbaadada bulshada ee Faransiiska, iyo sidoo kale kaalmooyin kale.
Masaafada ay u jirto dhul weynaha Faransiiska waxay la macno tahay in kuwa maandooriyayaashu “aanay awoodin inay wax xidhiidh ah la sameeyaan shabakadahooda dambiyada”, Darmanin ayaa u sheegay JDD.
Maamulka Faransiiska ayaa muddo dheer ku dhibtooday sidii ay u xakameyn lahaayeen soo galitaanka taleefannada gacanta ee shabakadda xabsiga. Tobanaan kun ayaa la og yahay inay ku dhex wareegayaan jeelasha Faransiiska .
Horraantii sanadkan, dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday sharci cusub oo loogu talagalay in lagu xakameeyo falalka kooxaha dambiilayaasha ah.
Tallaabooyinku waxay abuuri doonaan laan gaar ah oo ka tirsan xafiiska dacwad-oogayaasha si ay wax uga qabtaan dembiyada abaabulan. Waxa kale oo ay soo bandhigi doontaa awoodo dheeraad ah oo loogu talagalay baarayaasha, iyo xaalad gaar ah oo la ilaaliyo oo loogu talagalay xog-bixiyeyaasha.