Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Aqalka Cad kula kulmi doona madaxweynaha Maraykanka Donald Trump toddobaadka soo socda, isaga oo isku dayaya inuu “dib u soo celiyo” xidhiidhka labada dal, sidaa waxa yidhi maamulka Pretoria.
Booqashada la soo wariyay ayaa timid ka dib markii Maraykanka uu qaxooti ahaan u soo dhaweeyay tobanaan Afrikan ah oo caddaan ah todobaadkii u danbeeyey, kuwaas oo ka soo guurayey Koonfur Africa, ka dib markii uu Trump u soo jeediyay in “xasuuq” lagu hayo beeraleyda caddaanka ah ee ku nool waddanka madowgu u badan yahay, eedeymahaas oo si weyn loo naqdiyay.
“Madaxweyne Ramaphosa wuxuu kula kulmi doonaa Madaxweyne Donald Trump Aqalka Cad ee Washington, DC si ay uga wadahadlaan arrimaha labada dal, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee xiisaha leh,” ayay madaxtooyada Koonfur Afrika ku sheegtay bayaan todobaadkan.
“Booqashada madaxweynaha ee Maraykanka waxay bixinaysaa gogol dib loogu soo celinayo xidhiidhka istiraatijiyadeed ee labada dal,” ayay raacisay, iyada oo sheegtay in safarku uu socon doono Isniinta ilaa Khamiista, labada hoggaamiyena ay kulmi doonaan Arbacada.
Aqalka Cad ayaan wax hadal ah oo degdeg ah ka bixin kulanka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee Trump uu la yeesho hoggaamiyaha waddan Afrikaan ah tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday bishii Janaayo.
Xidhiidhka Pretoria iyo Washington ayaa aad u xumaaday tan iyo markii Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad.
Trump ayaa xukuumadda Ramaphosa ku dhaliilay dhinacyo badan. Bishii February, waxa uu soo saaray amar fulineed oo uu ku joojinayo dhammaan dhaqaalihii uu Maraykanku siin jiray Koonfur Afrika, isaga oo ku sababeeyay diidmada siyaasaddeeda dib-u-habaynta dhulka iyo kiiskeeda xasuuqa ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee ka dhanka ah xulafada Maraykanka ee Israel.
Amarka Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay in la qaabilo oo dib u dajin loogu sameeyo dadka ka soo jeeda bulshada laga tirada badan yahay ee Afrikaner, kuwaas oo uu ku eedeeyay in loo geysto cadaadis iyo dil sababo la xidhiidha jinsiyaddooda – eedeymahaas oo ay beeniyeen khubaro iyo dowladda Koonfur Afrika.
Afrikaners waxay ka soo farcameen gumaystayaashii Nederland oo hogaaminayey nidaamkii midab-takoorka muddo ku dhow konton sano.